Madaxweyne Xasan oo Munaasabadda Ciida Awgeed Cafis u fidiyay Maxaabiis ku Xirnaa Muqdisho

0
Friday July 17, 2015 - 18:30:35 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1305
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan oo Munaasabadda Ciida Awgeed Cafis u fidiyay Maxaabiis ku Xirnaa Muqdisho

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

 Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabada Ciidul-Fidriga Awgeed Maanta Cafis u fidiyey 79-maxbuus oo dambiyo kala duwan ugu xirnaa Xabsiyada Dowladda ee Muqdisho.

Maxaabiistan la cafiyay ayaa Xukunnadooda waxay u dhexeeyeen saddex bilood illaa shan sanno, waxaana madaxweynaha uu cafiskooda u cuskadey Qodobka 87-aad ee dastuurka KMG ah ee Somalia, Faqradda 1-aad, Xarfaha (A) iyo (C) iyo Faqradiisa 2-aad. Qodobka 90-aad Xarafka (P) ee dastuurka KMG-ka ah iyo Qodobka 149-aad, Faqradda 2-aad ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.

Go’aanka Cafiska Maxaabiistan ayaa dhaqan-galay shalay oo Taariikhdu ahayd 16-la July, 2015-ka, Markii Madaxweynuhu Qalinka ku duugay Wareegtada cafiska Maxaabiistaan.

Ugu dambeyn, inta badan Mmaalmaha Ciidaha Islaamka oo Sannadkii laba jeer soo mara Dunida iyo maalmaha kale ee Xorriyadda iyo kuwa Qiimaha u leh Qaranka ayaa waxaa la cafiyaa Maxaabiis Dambiyo kala duwan u xiran Xabsiyada dalka.

Si kastaba ha ahaatee, Maxaabiistan uu cafiska u fidiyay Madaxweyne Xasan ee 79-ka ruux ah ayaan la sheegin dambiyadii ay u xirnaayeen, sidoo kalena lama sheegin sida ay kala ahaayeen; Rag iyo Dumar.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip