Daawo, Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal dadweyne ah salaadda ciidda kula dukaday Masjidka Isbaheysiga Islaamka

0
Friday July 17, 2015 - 16:03:37 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 2007
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo, Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal dadweyne ah salaadda ciidda kula dukaday Masjidka Isbaheysiga Islaamka

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo xubno kale oo ka tirsan labada Gole ee dowladda iyo boqolaal dadweyne aad u fara badan ayaa maanta salaaddii ciidda kula tukaday masjidka Isbaheyga Islaamka ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu bishaareeyay munaasabadda 1-da bisha Shawaal ee ah maalinta koowaad ee ciidda, waxaana uu Madaxweynuhu xusay in maanta oo kale Ummadda looga fadhiyo in ay isu gurmadaan, oo ay caawiyaan waalahood Soomaaliyeed ee aan awoodin in carruurtooda ay carruurta kale kala qeyb qaataan farxadda Ciidda.

Madaxweyne Xasan oo khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay Masjidka Isbaheyga Islaamka ayaa hoosta ka xariiqay in maanta oo kale shacabka looga baahanyahay inay u istaagaan ka shaqeynta dib u heshiisiinta iyo in Shacabku ay isa saamaxaan oo ay u istaagaan ka shqeynta midnimadooda.

Boqolaalkii dadweyne ee  ku tukaday Masjidka  Isbaheyga islaamka ayaa isugu hambalyaynayay maalinta koowaad ee cidda, maadaama ay u soo dhamaatay bishii barakeysneyd ee Ramadaan.

DSC04724DSC04726DSC04728DSC04729DSC04730DSC04735DSC04736DSC04742DSC04743DSC04744DSC04746DSC04747DSC04754DSC04755DSC04757DSC04761DSC04762DSC04764DSC04765DSC04767DSC04768DSC04770DSC04776DSC04783DSC04785DSC04787DSC04788DSC04790DSC04792DSC04799DSC04800DSC04801DSC04802DSC04805DSC04806DSC04808DSC04809DSC04810DSC04824DSC04825DSC04828DSC04829DSC04833DSC04839DSC04854DSC04855DSC04856DSC04857DSC04860DSC04872DSC04876DSC04877DSC04878DSC04885DSC04886DSC04892DSC04895DSC04897DSC04898DSC04901DSC04902DSC04910DSC04913DSC04914DSC04915DSC04916DSC04917DSC04921DSC04922


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip