Madaxda Qaranka oo hambalyo u dirtay Ummadda Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan

0
Friday July 17, 2015 - 15:44:34 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 2426
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxda Qaranka oo hambalyo u dirtay Ummadda Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo ku aadan munaasabdda ciidda ugu hambalyeeyay dhamaan shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan, waxaana uu Alle ka baryay in soonkii iyo Salaaddii u ka aqbalo Ummadda Muslimiinta ah, gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed..

"Ummadda Soomaaliyeed waxaa looga fadhiyaa inay iscafiyaan oo ay isa saamaxaan, isla markaana ay ka wada shaqeeyaan sidii midnimadooda loo xoojin lahaa, isagoo ku baaqay in laga wada shaqeeyo arrimaha dib u heshisiinta oo waxkasta lagu dhameeyo wada hadal, loona gurmado dadka tabaaleysan” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaai ayaa munaasabadda curashada bisha shawaal ee ciidul fitriga ugu hambalyeeyay Ummadda Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan, waxaana uu bulshada ka codsaday in ay dhexdooda isu gar gaaraan kiisa aan waxba heysan.

"Ciid  mubaarak mubaarak, Ciid mubaarak, Ciid mubaarak, kulli caamu wa antum bil kheyr, Ciidaan iyo cideeda Allow samo nagu gaarsii, Mahad Alle ayaa leh, hana aqbalo soo jeedka habeenkii, soonka iyo salaadda, Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu hambalyaynayaa in ciddaan tiisa kale ay ku gaaraan horumar iyo baraare, Isla markaana ay dhexdooda isu gurmudaan oo ay is caawiyaan” ayuu yiri Prof Jawaari.

Sidoo kale Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo isna dhankiisa hambalyo u dirayay shacabka Soomaaliyeed, waxaana uu ugu bishaareeyay dhalasha 1-da Shawaal.

Sidoo kale Gobollada dalka Soomaaliya ayaa saaka si isku mid ah looga ciiday, maadaama ay maanta ku beegantahay maalinta koowaad ee ciidul firtiga, iyadoo Ummadda Soomaaliyeed ee muslimiinta ah isugu hambalyaynayeen munaasabadda maalinta koowaad ee ciidda.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip