Xer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo arrinta badda uga warbixiyey Jaaliyada Soomaaliyeed ee Holland "SAWIRRO"

0
Thursday July 16, 2015 - 17:04:20 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1163
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo arrinta badda uga warbixiyey Jaaliyada Soomaaliyeed ee Holland "SAWIRRO"

    ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,

Kulan ay soo qabanqabisay  xarunta Warabaahinta iyo wada hadalka oo ay ka soo qeyb galeen Jaaliyadda Soomaalida ee degan Wadanka Hollnad, isla markaana warbixin looga dhagaysanayay Xeer ilaaliyha Guud ee Qaranka Soomaaliya Dr Axmed Cali  Daahir ayaa ka dhacday Hotelka Mercure ee magaalada Denhaag ee Wadanka Holland.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa suáalo lagu waydiiyay Xeer Ilaaliyaha  guud ee Qaranka ka dib markii uu warbixin siiyay Jaaliyadda,waxaana halkaas ugu horeyn furay Agaasimaha Center For Media and Dialogue (CMD) Bile Gurxan Axmed oo Jaaliyadda ku soo dhaweyey goobta,waxuuna sheegay in CMD ay howsheeda tahay inay doodo iyo kulmo u qabato bulshada,

"Waxaan aad ugu faraxnsnahay in CMD ay Bulshadii daganeyd Holland ay u yeerto, kadibna ay  su’áalo waydiiyaan Xeer ilaaliyaha, waayo dadku waxay aad ugu baahnaayeen in wax ka ogaadaan Dacwada Badda ee ay dowladda Soomaaliya ka gudbisay Dowlada Kenya” ayuu yiri Agaasimaha CMD.

Waxaa sidoo kale ka hadlay Gudoomiyah Daladda ay ku mideysanyihiin Ururada Soomaalida ee Holland  oo magacooda loo soo gaabiyo FSN  Cali Awaare oo ugu horeyn u mahad celiyay CMD, isagoo xusay in loo bahanyahay in shacabka Soomaaliyeeday u istaagaan difaacida Badda Soomaaliya.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Dr Cali Saciid Faqi  oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay inay Soomaaliya xaq u leedahay inay difaacato Xaduudaheeda, loona bahanyahay in shacabkuna ay taageeraan arrimahaasi.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaaliya Dr Axmed Cali Daahir ayaa su’áalihii  ay waydiiyeen Jaaaliyadda  uga jawaabay si wanaagan , waxuuna warbixin fiican uu ka dhiibay sida ay  arinta Badda Soomaaliya iyo Kenya ay ku bilaabatay iyo sida ay aaqirkii ay ku soo dhamaatay in dacwad laga gudbiyo Dowlada Kenya, isagoo  aad ugu mahad celiyay Hay’ádda CMD oo uu sheegay inay Holland si weyn ugu soo dhaweeyeen.

Xeriliyaha Guud ee Qaranka ayaa niyada u qaboojiyey dhamaan Soomaalida, gaar ahaan ku wii uu la kulamay,  isagoo sheegay in ay Dowladda Soomaaliya ku qabto arinkaan kalsooni buuxa oo ay kaga guuleysaneyso Kenya, waxaana uu hoosta ka xariiqay ay tahay tilabadan mid muhiim u ah shacabka Soomaaliyeed.

Háyda CMD waxay mar walba u taagantahay inay la shaqeyso Bulshada Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan.

DSC_4264-300x199 DSC_4223-300x199 DSC_4240-300x199 DSC_4249-300x199 DSC_4263-300x199 DSC_4264-300x199 DSC_4265-300x199 DSC_4266-300x199 DSC_4288-300x199 DSC_4290-300x199




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip