SHIRKA ARRIMAHA HORUMARINTA CIIDANKA XDS

0
Wednesday October 16, 2024 - 12:55:58 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 27
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SHIRKA ARRIMAHA HORUMARINTA CIIDANKA XDS

    Kaaliyaha Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Madeey Nuureey Sheekh ayaa shir Gudoomiyay Shirka Arrimaha Horumarinta Ciidanka XDS. Shirka waxaa ka soo qeyb galay warbixino na laga dhageystay, Taliyaha Taliska Tababarka iyo Doktariinka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kaaliyaha Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Madeey Nuureey Sheekh ayaa shir Gudoomiyay Shirka Arrimaha Horumarinta Ciidanka XDS. Shirka waxaa ka soo qeyb galay warbixino na laga dhageystay, Taliyaha Taliska Tababarka iyo Doktariinka XDS G/sare Axmed Ciise Axmed iyo Talisyada Maamul ee kale ee Ciidanka XDS, Hoggaanka Qorsheynta Ciidanka XDS, Xafiiska Amniga Qaranka, wakiillo ka kala socday ATMIS, EU, Türkiye, UAE, UK, UN, iyo US.
kulankaan ayaa noqonayaa kulankii 8-aad ee looga doodaayo sidii loo dardargelin lahaa horumarinta Ciidanka XDS iyo la dagaalanka Argagixisada si loo gaaro hadafka ah in Argagixisada laga ciribtiro guud ahaan gayiga Soomaaliya.
Shirkaan ayaa waxaa si gaar ah loogu dul istaagay ajandeyaal ay kamid yihiin;
1. Dhaqan gelinta qaraaradii kasoo shirka amniga Soomaaliya ee Dec 2023 New-york iyo Qorshaha Horumarinta Ciidanka XDS, sida;
a. Horumarinta iyo xoojinta awoodaha Ciidanka XDS, si loo daboolo baahiyaha hadda jira iyo awoodaha mustaqbalka Ciidanka XDS u baahanayahay.
b. Dardargelinta Qorshaha bixitaanka ATMIS iyo u diyaar garowga howlgalka cusub ee badelaya ATMIS, Si waafaqsan qaraaradii kasoo baxay Midowga Afrika iyo Golaha Ammaanka ee QM.
c. Dardar gelinta iyo qiimeynta sida dalka gudihiisa looga howlgalin lahaa xarun dhaxe ee bixisa Tababarada Ciidanka XDS, si sare looga qaado xaaladda diyaargarowga Ciidanka loona joogteeyo heerka tababarada Ciidanka XDS, loogana maarmo Tababarada askarta dalka dibaddiisa loogu qaado.
d. Dardar gelinta iyo Taageerada Howlgallada cadowga Dalka looga xureynaayo
e. Mudnaan-siinta mashaariicda Horumarineed ee awood dhiska Ciidanka XDS
Waxaa shirka soo xeray una mahadceliyay dhammaan kasoo qeybgalayaasha, Kaaliyaha Taliska Ciidanka XDS, S/Guuto Madeey Nuurey Sheekh


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip