Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, oomaanta kormeer shaqo ku tagay xarunta dambi baarista Ciidanka Booliiska ee CID

0
Monday October 07, 2024 - 17:14:57 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 61
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, oomaanta kormeer shaqo ku tagay xarunta dambi baarista Ciidanka Booliiska ee CID

    Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xarunta dambi baarista Ciidanka Booliiska ee CID iyo Taliska Qaybta Guud ee Booliiska gobolka Banaadir, si uu ugu kuur galo adeegyada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xarunta dambi baarista Ciidanka Booliiska ee CID iyo Taliska Qaybta Guud ee Booliiska gobolka Banaadir, si uu ugu kuur galo adeegyada ay xarumahani u hayaan bulshada Soomaaliyeed.
Taliyaha oo ugu horreyn salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa waxa uu kormeeray Xafiisyada ay ku shaqeeyaan mas’uuliyiinta iyo howl-wadeenada Laanta CID iyo hannaanka hufnaanta shaqo ee loogu adeego shacabka, isaga dhageystay cabashooyinka qaar ka mid ah dadka shacabka ah ee xarunta loogu adeegayay.
Sidoo kale, Taliyaha oo kormeeray habsami u socodka howlaha shaqo ee xarumaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, ayaa gaaray Xarunta Taliska Qaybta Guud ee Booliiska gobolka Banaadir, halkaasi oo uu kulan kula qaatay, Taliska Qaybta iyo Saraakiisha ammaanka.
Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa Saraakiisha ka dhageystay Warbixinno ku saabsan xaaladda amni ee Caasimadda, howlgallada guuleystay ee looga hortagay isku dayada qalqal galinta amniga ee Khawaarijta iyo qorsheyaasha cusub dardargelinta sugidda ammaanka magaalada Muqdisho, isagoo faray inay sii laba jibaaraan dadaalkooda, si shacabka Soomaaliyeed u helaan kalsooni amni oo dhammeystiran.


 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip