Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Jubbaland ayaa khaarijiyay Horjooge muhiim u ahaa Argagixisada.
Howgalladii ugu dambeeyay oo ay sameeyeen Ciidamada xooga dalka iyo kuwa Jubbaland kana sameeyeen aagga Dhasheeg Waamo ayaa waxaa lagu dilay horjooge katirsan kooxaha Argagixisada.
Deegaannada howgalka laga fuliyay ayaa waxaa ka mid ah, Dharkeen Urur iyo Orgiyoow oo katirsan gobalka Jubada hoose. Horjoogaha la dilay ayaa bulshada ku ahaa Qodax ku taagan, laakiin hadda lasoo afjaray
Maxamuud Cali Xuseen oo magaciisa afgarshada ee kooxda Argagixisada ugu yeeraan uu yahay (Qayliyoow) dadka degaankana ay u yaqaanay (Goobe) ayaa lagu dilaay howgal qorsheysan.
Qeyliyoow oo xubin muhiim u ahaa Argagixisada ayaa waxa uu u qaabilsanaa sahanka, sirdoonka, miinooyinka dhulka lagu aaso iyo sahminta xerooyinka la weerarayo, sidoo kale waxa uu ahaa shaqsi bannaystay daadinta dhiigga shacabka aan waxba galabsanin.
Balse Goobe ayaa ugu dambeyn lagu guuleystay in dhagartiisa la dhaafiyo shacabka Soomaaliyeed
Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Jubbaland ayaa khaarijiyay Horjooge muhiim u ahaa Argagixisada.
Howgalladii ugu dambeeyay oo ay sameeyeen Ciidamada xooga dalka iyo kuwa Jubbaland kana sameeyeen aagga Dhasheeg Waamo ayaa waxaa lagu dilay horjooge katirsan kooxaha Argagixisada. Deegaannada howgalka laga fuliyay ayaa waxaa ka mid ah, Dharkeen Uru