Ciidamada Gaarka Ah Ee NISA Oo Ku Dilay Duleedka Baardheere Horjoogayaal UGUS AH

0
Thursday July 16, 2015 - 16:58:11 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1231
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Gaarka Ah Ee NISA Oo Ku Dilay Duleedka Baardheere Horjoogayaal UGUS AH

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.
Ciidamada Hey'adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa ku dilay horjoogayaal ka tirsan Maleeshiyaadka Shabaab iyo ilaaladood duleedka Degmada Baardheere ee gobolka Gedo kaddib howlgalo ay ka sameeyeen halkaasi.

Howlgalkani ay fuliyeen Ciidamada Gaarka ah Ee NISA oo ahaa mid qorsheysan ayaa horjoogayaasha lagu khaarijiyay waxa ay kala yihiin Ismaaciil Jabhad oo ahaa horjoogihii Jiida Hore ee deegaanka Gudandhawe, iyo Horjooge Axmed Qoslaaye oo isna Horjooge u ahaa Maleeshiyaadka ku dhuumaaleysanayay Deegaanka Taraako ee gobolka Gedo, waxaana howlgalka uu u dhacay sidii loogu talo galay.


Horjoogayaasha ayaa waxaa lala khaarijiyay Maleeshiyaad ilaala u ahaa oo tira ahaan gaaraya 14 dhagar qabayaal halka 17-kale oo maleeshiya ah ay ku dhaawacmeen howlgalkaasi.

Ciidamada Nabadsugida Iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa howlgalkaasi wax khasaara ah ka soo gaarin, iyadoo geesiyaashaasi ay ku soo noqdeen iyagoo bad qaba halkii markii hore ay ka duulaan tageen.

Magaalada Baardheere oo ka mid ah meelaha fara ku tiriska ah ee Maleeshiyaadka UGUS ay ku dhuumaaleysanayaan ayaa Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay kaabiga ku hayaan, iyadoo horjoogayaasha ku dhuumaaleysanaya deegaanada fara ku tiriska ah ay soo wajahday cabsi la xiriirta in ay ku baxaan gacanta Ciidamada Qalabka Sida mar hadii Ciidamada seefta gasha kala baxeen.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip