R/wasaaraha dalka oo Garowe kula kulmay saraakiil ka gadoodday maamulka Puntland

0
Thursday July 16, 2015 - 10:10:05 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1057
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    R/wasaaraha dalka oo Garowe kula kulmay saraakiil ka gadoodday maamulka Puntland

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

R/wasaaraha Soomaaliya mudane Cumar C/rashiid ayaa kulamo la leh saraakiil ka tirsan ciidamada maamulka Puntiland oo dhawaan ka gadooday isla maamulkaasi.

R/wasaare Sharma’arke oo ku sugan magaalada Garowe islamarkaana wadahadallo la leh mas’uuliyiinta maamullada Puntland iyo Jubba, ayaa dhinaca kale wada dadaallo ku aaddan sidii dib loogu soo celin lahaa saraakiil ciidan oo ka gadoodday maamulka Puntland.

Laba sarkaal oo dhawaan ka gadoodday maamulka Puntland kadib markii madaxweynaha maamulkaasi uu sheegay in uu xilka ka qaaday islamarkaana ku sugnaa deegaan hoos yimaada Eyl ayaa xalay gaaray magaalada Garowe.

Saraakiishaas oo lagu kala magacaabo Muxyadiin Axmed Muuse iyo Col. Cabdi yare ayaa sheegay in R/wasaaraha uu u yeeray si looga wadahadlo arrinta gadoodka.

R/wasaaraha ayaa xalay kulan la qaatay labadaasi sarkaal, inkastoo aan la shaacin natiijada kulankaasi, sida uu ku soo waramay wariyaha Radio Muqdisho ee magaalada Garowe.

Saraakiishaasi ayaa sheegay iney ku rajo weynyihin in xal laga gaaro khilaafka u dhaxeeya iyaga iyo madaxweynaha Puntland, iyagoo intaa ku daray iney u dheganuglaan doonaan awaamiirta R/wasaaraha dalka mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke.

R/wasaaraha dalka ayaa maalintii Sadexaad ku sugan magaalada Garowe, isagoo halkaasi uga qeybgalaya kulan looga hadlayo xoojinta wadashaqeynta u dhaxeysa dowladda F. S. iyo maamullada Puntland iyo Jubba.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip