Guddoomiyaha Baarlamanka F. S. oo la kulmay saraakiisha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

0
Thursday July 16, 2015 - 10:06:59 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1187
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Baarlamanka F. S. oo la kulmay saraakiisha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan la qaatay saaraakiil ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliya, kuwaas oo tababar aqoon kororsi ah uga socdo magaalada Muqdisho.

Kulankan guddoomiyaha Baarlamanka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan "Jawaari” uu la qaatay saraakiisha booliiska ee gobollada dalka ayaa looga hadlay, sugidda amniga iyo ilaalinta midnimada booliiska Soomaaliyeed oo loola jeedo ineysan saameyn ku yeelan siyaasadaha ka jira gobollada dalka.

Taliyaa ciidanka Booliiska Soomaaliye S/Gaas Maxamed Sheekh Xaan Xaamud ayaa guddoomiye Jawaari warbixin ka siiyay qorshaha horumarineed ee lagu tayeeynayo ciidanka booliiska Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha baarlamanka Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cusmaan "Jawaari” oo kulanka ka hadlay ayaa kula dardaarmay saraakiisha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iney ka shaqeeyaan isku xirnaanta ciidanka booliiska Soomaaliyeed , taasoo sida uu xusay qeyb ka qaadaneysa gudashada waajibaadka loo igmaday ciidanka Booliiska.

S/Guuto Axmed Dayib "Dhegacaleen” oo ka mid ah saraakiisha ciidanka Booliiska ayaa Radio Muqdisho u sheegay in guddoomiyaha Baarlamanka uu codsaday in uu la kulmo saraakiisha ciidanka, waxaana looga hadlay waajibaadka ciidanka iyo sidii loo fulin lahaa howlaha laga sugayo.

"Gudoomiyaha baarlamanka ayaa codsaday in uu la kulmo saraakiisha ciidanka booliiska Soomaaliyeed ee halkan ku kulansan, wuxuuna kala hadlay fulinta waajibaadka ciidanka iyo midnimada booliiska si uusan ciidanku u noqon mid meel ku xayiran” ayuu yiri S/Guuto Axmed Dayib "Dhegacaleen”.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip