Taliska booliska oo ka digay in qashinka la soo dhoobo hareeraha waddooyinka

0
Wednesday July 15, 2015 - 23:12:44 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1089
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliska booliska oo ka digay in qashinka la soo dhoobo hareeraha waddooyinka

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa maanta digniin ka soo saaray dadweynaha ku daadinaya qashinka waddooyinka muhiimka u ah isu socodka gaadiidka iyo dadweynaya, iyadoo shacabka laga codsaday ilaalinta nabad gelyada caasimadda.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Taliyaha Ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo nuqul ka mid ah soo gaaray Radio Muqdisho Codka Ciidamada Qalabka Sida ayaa shacabka looga digay in nadaafad darrida iyo qashinka la soo dhigayo waddooyinka ay qeyb ka yihiin Nabadgelyo xumida, iyadoo bulshada laga codsaday inay ilaaliyaan nabadgelyada oo ay ka saarantahay waajib, isla markaana ay ciidanka booliska gacan ku siiyaan xaqiinta amniga.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in shacabka looga baahanyahay inay joojiyaan qashinka la soo dhigayo waddooyinka muhiimka ah ee magaalada oo ay maraan gaadiidka iyo sidoo kale inaysan qashinka dhigin goobaha waxbarashada, caafimaadka iyo ganacsiga intaba.

"Habadaba si loo xaqiijiyo amniga, waxaa lagu boorinayaa dadweynaha oo aan wada shaqey la;aantood la sugi Karin ammaanka caasimadda iyo maamulada degmooyinka gobolka banaadir in ay si wada jir ah uga shaqeeyaan ilaalinta nadaafadda, isla markana hay’adaha ku shaqada leh nadaafadda iyo qaadista qashinka lagu wargeliyay inay   saacado qorsheysan oo ay bulshada toos gaadiidka oo meelo cayiman u saaraan,taasi oo lagaga taxadarayo in cadowgu ka faa’iideystaan qashinka la soo dhoobo waddooyinka” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka.

Ugu dambeyntii ciidanka booliska ayaa lagu amray inay gacan ku qabtaan, isla markaana ay sharciga marsiiyaan ciddii fulin weyda awaamiirta uu taliska booliska soo dajiyay, iyadoo War-saxaafadeedku uu ku saxiixnaa Taliyaha ciidanka booliska Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip