Madaxweynaha oo dalka dib ugu soo laabtey, markii uu Addis Ababa shir caalami ah uga soo qeyb galay "SAWIRRO"

0
Wednesday July 15, 2015 - 21:22:23 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1009
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha oo dalka dib ugu soo laabtey, markii uu Addis Ababa shir caalami ah uga soo qeyb galay "SAWIRRO"

    ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,

Muqdisho, 15 July 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho, kadib markii uu ka soo qeybgaley u shirkii 3aad ee Caalamiga ee Maalgelinta Horumarinta oo ka dhacay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

Shirkan ayaa ajendayaasha ugu weyn ee looga hadley waxaa ka mid ahaa qorsheynta barnaamijyo cusub oo lagu xaqiijinayo horumarka caalamka, sida iskaashiga waddamada, tayeynta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo in waddamada soo koraya loo dejiyo nidaam horumar la taaban karo horseedaya oo la jaanqaadaya hadafyada horumarinta ee Qaramada Midoobay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirkan khudbad ka jeediyay, isagoo soo jeediyay in caalamku uu fiiro gaar ah u yeesho waddamada ka soo kabsanaya colaadaha oo ay Soomaaliya ka mid tahay.

Waxaa kale oo uu Madaxweynaha khudbad ka jeediyay kulan uu soo qabanqaabiyey urur goboleedka IGAD, oo looga hadlayey muhimadda xawaaladaha iyo doorka ay ka qaadan karaan horumarinta dhaqaalaha dalalka soo koraya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale intii uu Addis Ababa ku sugnaa kulamo kala duwan la yeeshay qaar ka mid ah madaxda caalamka iyo hay’adaha kala duwan ee shirka ka soo qeybgashey.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay, Guddoomiyaha Baarlamanka Federaalka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari , xubno ka tirsan labada gole, taliyeyaasha ciidamada iyo mas’uuliyiin kale.

-DHAMMAAD-

unnamed (1)unnamed (2)unnamed (3)unnamed (4)unnamed (5)unnamed (6)unnamed (7)unnamed (8)unnamed (9)unnamed (10)unnamed




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip