Wasiirka difaaca "Waxaan xoojin doonaa tayada iyo tababarka Ciidamada XDS si cadowga looga guuleysto" SAWIRRO

0
Wednesday July 15, 2015 - 20:48:05 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1053
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka difaaca "Waxaan xoojin doonaa tayada iyo tababarka Ciidamada XDS si cadowga looga guuleysto" SAWIRRO

    ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,

Muqdisho, July 15, 2015…Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini ayaa maanta kormeer ku tagey xarumo dhowr ah oo leeyihiin Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana uu halkaas kula hadlay Ciidankii joogay, iyadoo uu kormeerka ku wehliyey Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Sareeyo Gaas Daahir Aaden Cilmi iyo xubno ka socday Madaxtooyada dalka.

Wasiirka ayaa booqday xarunta tababarka Ciidanka ee Jazeera, halkaas oo dhoolatus millatari ay ka wadeen ciidamada Xoogga, waxana uu ku amaanay qaabka ay tababarka u qaadanayaan, isagoo kula dar daarmay ciidanka ka tirsan kumaandooska Qaranka in awoodooda ay ku difaacaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed.Sidoo kale, Wasiirka ayaa tababar u furay boqol askari oo ka tirsan Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Mudane Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini ayaa u sheegay ciidanka kumaandooska ee maanta dhoolatuska sameeyay iyo kuwa uu tababarka u furay intaba inay ilaaliyaan sumcadda iyo sharafta ay ku dhex leeyihin dalkooda iyo dadkooda , isagoo uga digay isticmaalka mukhaadaraadka oo uu qaadka ugu horeeyo.

"Waxaad na tusteen muhiimadda iyo sharafta ciidanku leeyahay, bulshada Soomaaliyeed waxay sugayaan wa idinka iyo dadka idin lamid ka ah, duruusta aad barateen waxaa la doonayaa inaad uga faaiideysaan ummada Soomaaliyeed si dalka looga xoreeyo cadowga kusoo duulay”ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga oo intaas ku daray.

"Waxaan xoojin doonaa tayada iyo tababarka Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya, si cadowga looga guuleysto, hadda waxaa dhisme ku socdaa xarumo badan oo leeyihiin ciidanka Xoogga si loo gaaro hadafka fog iyo mid dhexe ee lagu doonayo horumarinta qaranka Soomaaliyeed gaar ahaan dhismaha ciidanka oo muhim u ah soo kabashada dalkeena”.

Ugu danbeyn, Wasiirka ayaa booqday Xarunta Akeedeemiyada Saraakiisha oo dhismaheedu ka soconayo deegaanka Jazeera, waxana uu halkaas warbixin uga dhigeystay masuuliyiinta gacanta ku haya dhismaha xerada.

—-DHAMMAAD—-

11720693_1469564196674498_268781187_n11751166_1469564006674517_974615654_n11753822_1469564016674516_962255047_n11758796_1469563680007883_885200074_n11758873_1469563213341263_1779814531_n11758959_1469563763341208_2050704200_n

vlcsnap-2015-07-15-17h17m28s74vlcsnap-2015-07-15-17h18m04s167vlcsnap-2015-07-15-17h18m33s198vlcsnap-2015-07-15-17h18m59s213vlcsnap-2015-07-15-17h19m31s235





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip