Maxkamadda Ciidamada oo 10-sano oo xabsi ah ku riday dhagar qabe ka tirsaanaa Argagixisada Daacish

0
Monday August 30, 2021 - 10:52:58 in Wararka by
  • Visits: 327
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamadda Ciidamada oo 10-sano oo xabsi ah ku riday dhagar qabe ka tirsaanaa Argagixisada Daacish

    Cabdisamad Ibraahi Cumar oo magiciisu Afgarashu yahay Abuu-Cali ayaa loo xiray dabayaaqadii sanadkii ina dhaafay kamid ahaanshiyaha Daacish oo uu ka soo tirsanaa ilaa 2016.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cabdisamad Ibraahi Cumar oo magiciisu Afgarashu yahay Abuu-Cali ayaa loo xiray dabayaaqadii sanadkii ina dhaafay kamid ahaanshiyaha Daacish oo uu ka soo tirsanaa ilaa 2016.

Cabdisamad ayaa ku dhashay magaalada Gaarise ee dalka Kenya, waxa uuna go’aansaday ku biirista Daacish isaga oo joogo Nairobi.

Isla xilligaas ayuu ka soo degay Boosaaso oo uu kaga sii gudbay buuraha Gal-gala, tababbarkiisii ugu horreeyay waxa uu ku qaatay meel lagu magacaabo Il iyo Camaaro, waxa uu kamid noqday koox jabhad ah oo arbushaad ka sameyso dhulka bari ee Puntaldn, wixii intaas ka dambeeyay kooxda ayaa go’aamisay in lagu daro qaybta warbaahinta oo loo diyaariyay in uu noqdo Muuqaal Duube.

Waxa uu u sheegay hey’adaha baarista in uu ahaa Muuqaal duubihii dagaal ku dhex maray Daacish iyo Alshabaab Muraale December 2018 iyo sidoo kale Baar-Gaalle oo isna dhacay March 2019, dagaalladaasi oo tirada la wariyay ee dhimasha iyo dhaawac ee kala gaaray kooxaha Argagixisada lagu Ogaaday in ka badan 30-Maleeshiyaad ah.

28 june ayay iska soo wareejiyeen hay’adaha dambi baarista kadib baaritaana dheer oo ay ku sameeyeen Eedeysanaha, waxa ayna xilligaasi ku wareejiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta si’uu u mariyo habraaca Dacwadda.

Xafiiska ayaa isla xilligaasi ka codsaday Garsoorka Ciidamada in xabsiga-Dhexe lagu hayo Cabdisama Gar-suge ahaan, bartamihii july ayaa loo ballamay fadhigii ugu horeeyay Eedda ka dhanka ah Cabdisamad Ibraahim Cumar.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa Maxkamadda la wadaagay taariikhda sida uu ugu biiray Daacisho Eedeysanaha iyo Raggii kale ee fikirkan ay ka soo wada Xambaareen Nairobi, waxa ay Xeer Ilaalinta sheegtay in saaxiibbadiisa ay dagaallo u aadeen Liibiya ayna ku dhinteen halka labo kale oo isna ay wada joogeen ay ku dhinteen dagaal ay la galeen Ciidamada PSF-ta Puntalnd ee loogu tala galay la dagaalnka Argagixisada, waxa ay sidoo kale Xafiiska Xeer Ilaalinta ay la wadaageen Garsoorka dhaawac muujinta Eedeysanaha oo ku dhaawacmay dagaalladii ay la galeen Ciidamada Puntland.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa Maxkamadda ka Codsaday in lagu xukumo ciqaab adag maadaama Daacish ay Eedeysanaha u soo wakiilatay Qal-qal gelinta Amniga Muqdisho balse ay Ciidamada Amniga qabteen isaga oo ka soo degayo Garoonka Aadan-Cadde.

Qareenada u doodayay Eedeysanaha ayaa Maxkamadda ka codsaday in loo Naxariisto eedeysanaha Maadaama uu ahaa Muuqaal Duube kaliya.

Fadhiya kala duwan kadib Maanta ayay Maxkamadda go’aan ka soo saartay, waxaana lagu xukumay Cabdisamad Ibraahim Cumar 10-sano oo xabsi ciidan ah sida uu u sheegay dhinacyada Dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa haysta Fursad uu ku dalban karo Rafcaan 30-cisho gudaheed.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip