Taliyaha ciidabka booliska oo aqoon kororsi u furay saraakiil boolis

0
Wednesday July 15, 2015 - 08:48:59 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1108
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha ciidabka booliska oo aqoon kororsi u furay saraakiil boolis

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xaamuud ayaa maanta siminaar aqoon kororosi ah u furay saraakiil ka tirsan ciidanka booliska oo ka kala yimid qaar ka mid ha Gobollada dalka, gaar ahaan Puntland, Jubaland, Koofur galbeed, Galmudug, Hiraan iyo Shabeelaha Dhexe, iyadoo ay ka qeyb galeen furintaankii aqoon kororsigaasi saraakiil ka socota UN-ka.

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya Sareeye Gaas Maxamad Sheekh Xasan Xaamud oo war baahinta Qaranka la hadlay ayaa  sheegay in ciidanka booliska Soomaaliya ay mid yihiin, isla markaana aysan xaduud laheen, waxa uuna xusay taliyuhu in ay ka doodi doonaan mudada uu aqoon is weydaarsiga socdo  qorshaha heegan ee booliska Soomaliyeed, kaa soo ay booliska ugu bandhigi doonaan adduunka waxyaabaha ay ciidanka u baahan yihiin.

"Shir labo maalmood socnayaa  qeebtiisa hore oo ah aqoon is weedaarsi, laxiriira dhamaan ciidanka booliska Soomaaliyeed oo ka kala yimid, Puntland, Jubaland, Koofur galbeed, Galmudug, Hiraan iyo Shabeelaha Dhexe,  sidaas oo kale waxaa soo qaban qaabiyay  siminaarka taliska ciidanka booliska oo gacan ka helaya UN boolis, waxaa sharaf noo ah aniga iyo saraakiisha ka kala yimid maamul gobaleedyada in aan halmar, isla qaadano boolis Soomaliyeed aan xaduud laheen” ayuu yiri Taliyaha booliska.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip