madaxweynaha soomaliya oo khudbad ka jeediyay shir lagu qabtay addis abab e dalka Ethiopia
Shirkan oo ay soo qabanqaabisey Qaramada Midoobay, ayaa
waxaa si rasmi ah u furey Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Mr Ban Ki Moon.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa khudbadiisa kaga hadley arrimo
dhowr ah oo la xiriira horumarka caalamka, qaaradda Afrika iyo Soomaaliya,
isagoo sheegay in muhimada koowaad ee shirkan ay tahay fursadda loo helayo in
laga doodo sidii dalalka caalamka looga taageeri lahaa inay gaaraan hadafyadoda
dhinaca horumarka oo dhameystiran.
‘’Waa inaan isla meel dhignaa hadafyo la fulin karo , kuwaas
oo si tartiib tartiib ah qeyb uga qaadan kara ciribtirka fakhriga. Waa inaan
dadaalkeena isugu geynaa sidaan u dhisi lahayn hay’adaheena kala duwan, lana
yareeyaa colaadaha, waayo taasi waxay inaga saacideysaa in carruurteena ay
waxbarasho fiican helaan, in shacabku helo biyo nadiif ah iyo adeegyada kale ee
asaasiga ah’’ ayuu khudbaddiisa ku xusey Madaxweynaha.
Madaxweynaha oo ka hadlayey baahida dhaqaalaha la doonayo in
lagu bixiyo mashaariicda kala duwan ee horumarka caalamka, ayaa tusaale u soo
qaatey iskaashiga Soomaaliya iyo beesha caalamka ee Cahdiga Cusub (New Deal
Compact), kaas oo qeexaya waddada iyo qaabka loo marayo dib u soo kabashada
Soomaaliya, colaaadda kadib.
Waxaa uu Madaxweynaha sheegay in iyadoo la tixraacayo
barnaamijkaasi, Soomaaliya loo balanqaadey lacag dhan laba bilyan oo dollar oo
dhinaca horumarinta lagu bixinayo.
"Waxaan qaadney talaabooyin wax ku ool ah oo lagu
xaqiijinayo inaan si khaldan loo isticmaalin lacagaha loogu talagaley horumarka
dalka ee barnaamijkaasi uu dhigayo, iyo dib u qaabeyn lagu sameeyay
hay’adaheena maaliyadda, inagoo filayney in beesha caalamka ay ku qanci doonto,
taageerada aan dooneynana ay ina siin doonaan, sida aan anaga u rabno, balse
taasi ma dhicin. Waxaa haatan laga joogaa laba sanno markii barnaamijkaasi
Cahdiga Cusub ama New Deal uu soo bilowday, balse waxaan weli taagahanay heer
aan ka doodeyno nidaamka, iyadoo aaney weli jirin maalgelin lagu sameynayo
adeegyada muhiimka inoo ah, iyadoo taasi ay dheer tahay in Soomaaliya aysan
door weyn ku lahayn maamulka barnaamijkaasi’’.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale xusey in
loo baahan yahay in waddamada ka soo kabanaya colaadaha il gaar ah lagu eego.
‘’Waxan taasi raacin lahaa inay habboon tahay inaan maanka
ku hayno in qaar ka mid ah dalalka ay colaaduhu saameeyeen aysan haysan
kaabeyaasha aasaasiga ah, iyadoo weliba hay’adahooda dowligana ay yihiin kuwo
liita, sidaa darted, waxaa lagama maarmaan ah in la kordhiyo taageerada
maaliyadeed, si isbeddelo horumar keeni kara loo abuuro.Kaalmada la siinayana
waa inay ku jirtaa mid farsamo’’ ayuu yiri Madaxweynaha.
Waxaa uu Madaxweynaha sheegay in Soomaaliya ay si buuxda u
taageersan tahay nidaamka caalamiga ee dhismaha kaabeyaasha ee uu maamulayo
Baanka Adduunka, iyo weliba qorshaha qaaradda Afrika ee horumarinta kaabeyaasha
ee la magac baxay Africa 50 Infsrastructure Fund.
Madaxweynaha waxaa kale oo uu ka hadley iskaashiga waddamada soo koraya, qaabeynta iyo nidaaminta xawaaladaha, iyo isagoo caalamka xusuusiyey muhimadda ay leedahay in laga dhabeeyo balanqaadyada ku aaddan dhanka horumarinta ee hay’adaha iyo dowladuhuba ay sameynayaan
madaxweynaha soomaliya oo khudbad ka jeediyay shir lagu qabtay addis abab e dalka Ethiopia
Madaxweynaha: "Si loo xaqiijiyo Hadafka Horumarka Caalamka, waa inaan isla meel dhignaa qaab sugan oo fakhriga dunida looga ciribtiri karo' sawiro': Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khu