Digreeto Madaxweyne oo lagu dalacsiiyay Taliyaha ciidanka booliska "Sawirro"

0
Tuesday July 14, 2015 - 00:08:55 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1480
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Digreeto Madaxweyne oo lagu dalacsiiyay Taliyaha ciidanka booliska "Sawirro"

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa maanta loo dalacsiiyay darajada Sareeya Gaas kaddib digreeto ka soo baxday xafiiska Madaxweeynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo uu ahaa Taliyaha sareeyo guuto.

Munaasabada lagu dalacsiiyay Taliyaha ciidanka booliska ayaa waxaa ka qaybgalay xubno ka tirsan labada gole ee dawlada Soomaaliya, saaraakiisha ciidamada booliska, AMISOM, kooxda baanbayda ciidanka booliska iyo qaybaha bulshada.

Wasiirka Amniga gudaha Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa munaasabada ka akhriyay wareegtada lagu dalacsiiyay Taliyaha ciidanka booliska, isagoo u xiray darajada uu u dalacay ee Sareeya gaas waxaana uu yiri

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, markii uu arkay Qodobka 87aad, farqadda 1aad Xaraf "C” iyo farqadda 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliya, Markuu arkay Qodobka 90aad, Xarafka "B” ee Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliya, Markuu arkay sharci Lambar 2 ee soo baxay 23/12/1973 kuna saabsan dhismaha ciidanka booliska Soomaaliyeed, Markuu tixgeliyay soo jeedinta ee Wasiirka Amniga ee ahaa in la dalacsiiyo hal darajo, markuu uu garwaaqsaday mudnaanta uu sargaalkani mudanyahay in ka ladalacsiiyo,waxa uu soo saaray xeerkan uu ku dalacsiinayo Maxamed Sheekh Xasan Xaamud in uu u dalacsiiyay darajada Sareeya Gaas” ayuu yiri Wasiirka Amniga gudaha.

Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa tan iyo intii loo magacabay hogaanka Boliiska Soomaaliya waxaa uu muujiyay karti iyo waxqabad isagoo horumarin ku sameeyay qeybaha kala duwan Boliiska.

Waxaa kaloo Sareeye Gaas Maxamed Sheekh wax ka qabtay amaanka Magaalada Muqdisho iyo isku xirka Ciidamada Boliiska kuwa jooga Caasimadda iyo Gobolada dalka.

32BH0A9084BH0A9088-1BH0A9111BH0A9364BH0A9366BH0A9380BH0A9381BH0A9385BH0A9387BH0A9391BH0A9414





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip