Dowladda Soomaaliya oo dacwad ka dhan ah Kenya u gudbin doonto Maxkamadda Caalamiga

0
Monday July 13, 2015 - 09:27:18 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1121
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Soomaaliya oo dacwad ka dhan ah Kenya u gudbin doonto Maxkamadda Caalamiga

    Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Qareeno Dowladda Somaaliya ay u xilsaartay Dacwadda ku saabsan muranka dhinaca badda ee u dhexeya Somaaliya iyo Kenya oo gaaray wadanka Holland ayaa maanta oo Isniin ah dacwad ka dhan ah Kenya u gudbinaya maxkamada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Qareeno Dowladda Somaaliya ay u xilsaartay Dacwadda ku saabsan muranka dhinaca badda ee u dhexeya Somaaliya iyo Kenya oo gaaray wadanka Holland ayaa maanta oo Isniin ah dacwad ka dhan ah Kenya u gudbinaya maxkamada caalamiga ah ee cadaalada ee fadhigeedu yahay magaalada Hague.


Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in kalsooni weyn ay ku qabaan in maanta  ay Maxkamadda u gudbin doonan dacwadda ku saabsan muranka xagga badda ee Kenya iyo Soomaaliya, isagoo xusay in Kenya ay ku xadgudubtay badda Soomaaliya

"Dacwadaan muddo labo sano ah ayaa laga soo shaqeynayay, waxaan jeclaan lahaa in ummadda Soomaaliyeed ay dowladda ku kalsoonaadaan iyo dadka u matalaya dacwadda, waxaan ummadda ugu bishaareynayaa in dacwaddu ay tahay mid ay ku helayaan xaqooda, waxaana heysanaa kalsooni weyn oo ah in kiiskan uu yahay mid aan ku guuleysanaynoā€¯ ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha.

Xeer ilaaliyaha ayaa xusay in markii ay maanta  u gudbiyaan maxkamadda, uu la wadaagi doono waxyaabaha ka soo baxa shacabka Soomaaliyeed, waxaana uu intaa ku daray in dacwadda oo dhameystirin ay gudbin doonaan

dacwadaan ayaa salka ku heysa muran u dhaxeya soomaliya iyo  kenya oo ay ku dooneyso in ay ku boobto xuduudaha dhanka bada ah iyadoona murankaa mudo soo jiitamaa ayaa waxa la filyaa in maalinta bari ah dacwad ka dhan ah arinkaas loo gudbiyo maxkamada caalamiga ah  




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip