Madaxweynaha oo gaaray Adds Ababa kana qeybgalaya Shirweynihii 3aad ee Caalamiga ee dhinaca Maalgashiga.

0
Monday July 13, 2015 - 09:19:07 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1256
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha oo gaaray Adds Ababa kana qeybgalaya Shirweynihii 3aad ee Caalamiga ee dhinaca Maalgashiga.

    Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudana Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta gaarey magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia, halkaa oo uu kaga qeybgalayo shirweynihii 3aad ee caalamiga ah ee Qaramada Mid

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudana Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta gaarey magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia, halkaa oo uu kaga qeybgalayo shirweynihii 3aad ee caalamiga ah ee Qaramada Midoobay ee dhinaca maalgashiga mashaariicda horumarinta.

Shirkan oo ay ka soo qeybgeli doonaan hoggaamiyeyaasha caalamka , wakiilo ka socda dowladaha, hay’adaha caalamiga ee dhinaca maaliyadda iyo ganacsiga, ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa qaabka loo tayeyn karo maalgashiga ku baxa dhinaca horumarinta, iyo in laga hortago falalka canshuuraha lala goosto oo ay ku lumaan balaayiin dollar oo wax looga qaban karey yareynta fakhriga.

Waxaa kale oo shirkan caalamiga ah looga doodi doonaa horumarinta adeegyada canshuur uruurinta ee caalamka iyo xakameynta lacagaha sida sharcidarrada ah la isugu gudbiyo caalamka oo dhan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirkan ka sokow waxaa kale oo uu ka qeybgeli doonaa shir sare oo gaar ah oo madaxda waddamada ku jira urur goboleedka IGAD ay kaga hadli doonaan nidaaminta iyo la socodka xawaaladaha.

Madaxweynaha oo socdaalkiisa ay ku wehliyaan xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Baarlamanka iyo mas’uuliyiin kale, ayaa sidoo kale la filayaa inuu khudbado ka jeediyo shirarkan.

Soomaaliya oo ah dal ka soo kabanaya dagaalo sokeeye, una baahan maalgashi iyo dib u dhis ayaa la filayaa in shirkan caalamiga ah ay kala soo noqoto natiijooyin wax ku ool ah.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Addis Ababa ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Ethiopia iyo hawlwadeennada safaaradda Soomaaliya ee magaalada Addis Ababa.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip