Hay'adda culimada Soomaaliyeed: "Shaabab waa niman diinta Islaamka lidi ku ah" SAWIRRO

0
Saturday July 11, 2015 - 21:41:20 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1426
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hay'adda culimada Soomaaliyeed: "Shaabab waa niman diinta Islaamka lidi ku ah" SAWIRRO

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Shirkan  jaraaid oo ay si wadajir ah ugu qabteen Hoteelka Siyaad oo xalay ay weerar argagixiso ah ku qaadeen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab guddoomiyaha Hay’adda culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad, Afhayeenka Hay’adaasi Sheekh Nuur Baaruud Gurxan iyo Janaraal Yuusuf Maxamaed Siyaad "Indha cade” yay kaga hadleen sifaha ay u dagaalamayaan argagixisada Al-Shabaab

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan Afhayeenka Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in fikirka khawaarijta Shabaab uu yahay feker ka duwan Diinteena suuban ee Islaamka, waxaana u shacaka ugu baaqay inay hal meel uga soo wada jeestaan.

"Dad saa’imiin ah oo maanta soonaa oo afurayey xilligii baryada ilaahay aqbalayey ilaahaygii maanta u suuragaliyey ay u mahadnaqayeen xilligaa in la beegsadoo wa arrin horta Islaamku bari ka yahay, waxaan shacabka Soomaaliyeed u sheegaynaa dhaqanka Shabaab aan ku aragno uusan ahayn mid Islaam uu yahay dhaqanka khawaarijta kuwii Nabigeena Muxamed (N.N.K.H) aflagaadeeyey inuu yahay marka, waa niman aan aqli lahayn, cilmina lahayn fahankii diintana si qaloocana u galay, waxaan hubaa in nimaankaas la yiri janada ka afuraysaan  marka waxan filayaa maanta in ay ogyihiin intii is qarxisay  inay jano ka afurayn oo ay naar ka afurayn”

Sheekh Bashiir Axmed Salaad Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa tacsi u diray shacabka Soomaaliyeed, intii wax ku noqotay weerarkii xalay, isagoo xusay in ujeedka argagixisada ah Al-Shabaab ay tahay in ay ka been sheegaan diinta Islaamka.

"Masaajidkii lagu aamaan heli lahaa, Salaadii lagu amaan heli lahaa, dhamamaan munaasabadihii Alle uu jeclaa  oo amaanka sugnaanta iyo  dartiibta loogu talagalay nimanka argagax iyo cabsida  ku badalaya, waa niman diinta Islaamka lid-ku ah shareecada lid ku ah runtii nimaankaas nasiib xumo ayaa haysata, waxkasta oo wanaag ah laguna galayo janada ilaahay masaajida ilaahay dadka dukanayey in la tageero kuwa cabsi galinaya waaye”

Dhanka kale Jenaraal Yuusuf Maxamed Siyaad "Indha cade” ayaa tilmaamay in weeraradii xalay ay ahaayeen kuwa laga soo abaabulay guryo ku yaalla Muqdisho, shacabkana looga fadhiyo inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga, si looga hortago dhagarta ay maleegayaan Al-Shabaab.

Jawaahir Baarqab Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir oo iyana goobta hadal kooban ka jeedisay ayaa hooyooyinka Soomaaliyeed ka codsatay inay u istaagaan sidii looga hortagi lahaa carruurta ay qaldayaan Al-Shabaab.

DSC04502DSC04504DSC04506DSC04507DSC04511DSC04512DSC04514DSC04515  DSC04517DSC04519DSC04522DSC04523  DSC04526DSC04532DSC04534DSC04535DSC04536DSC04537DSC04538




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip