Ciidanka Xoogga oo fashiliyay Qarax gaari oo loo qorsheeyay Saldhiga ku yaalla G/Sh/Dhexe

1
Friday June 18, 2021 - 19:46:49 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 371
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Xoogga oo fashiliyay Qarax gaari oo loo qorsheeyay Saldhiga ku yaalla G/Sh/Dhexe

    Ciidanka Xoogga Dalka ayaa waxeeybanaanka hore saldhig ay kuleeyhiin degaanka Biyacadde ee gobolka Shabeelaha dhexe kufashiliyeen gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay kaasi oo uu waday ruux naftii halige ah oo ay soo marin habaabiyeen kooxda naba

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa waxeeybanaanka hore saldhig ay kuleeyhiin degaanka Biyacadde ee gobolka Shabeelaha dhexe kufashiliyeen gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay kaasi oo uu waday ruux naftii halige ah oo ay soo marin habaabiyeen kooxda nabadiidka ah ee Al-shabaab.

Ciidanka oo kawarqabay xogta cadawga ayaa iyadoo feejigan kahortagay weerarkaasi argagixisada soomaleegeen waxeeyna banaanka kore ee saldhiga biyada cadde kufashiliyeen gaariga qaraxa.

Majirin wax qasaare ah oo kadhashay qaraxaasi marka laga reebo afar askari oo dhaawacyo fudud soo gaaray.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen Odowaa Yuusuf Raage oo la hadlay Warbaahinta Ciidamadda Qalabka Sida ayaa sheegay in Ciidanka oo hayay xogta kooxda nabadiidka ah ee Alshabaab kuna jiray feejignaan dheeri ah ay ka hortageen dhagartii ay soo maleegeen Al-shabaab.

Taliye Odowaa ayaa tilmaamay in ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay sii kordhindoonaan howlgalada kadhanka ah argagixisada Al-shabaab ee looga sifeeynayo dalka loogana hortagayo dhagarta ay usoomaleegayaan Ummadda Soomaaliyeed.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip