Ciidanka kumaandooska Xoogga Dalka oo Kuguuleeystay Inay Miinooyin Kasoo Saaraan Degaano Hoostaga Magaalada Kismaayo.

0
Thursday June 10, 2021 - 22:34:47 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 845
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka kumaandooska Xoogga Dalka oo Kuguuleeystay Inay Miinooyin Kasoo Saaraan Degaano Hoostaga Magaalada Kismaayo.

    Ciidanka Kamondooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Danab ayaa Hawlgalo lagu baasanayo Maleeshiyaadka Argagixisada Al-shabaab Kasameeyay Tuulooyinka Dhinaca Galbeedka Kaxiga Magaalada Kismayo . Ciidanka Kumaandooska ayaa waxay wadooyinka kasoo bixiy

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka Kamondooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Danab ayaa Hawlgalo lagu baasanayo Maleeshiyaadka Argagixisada Al-shabaab Kasameeyay Tuulooyinka Dhinaca Galbeedka Kaxiga Magaalada Kismayo . Ciidanka Kumaandooska ayaa waxay wadooyinka kasoo bixiyeen Miinooyin Wadooyinkaasi Ku Aaseen Kooxda Argagixisada Alshaab si ay udhibatayaan Shacabka Gaadidka iyo Xoolaha Wadooyinka Isticmaala.

Ciidanka Geesiyaasha Kumaandooska Danab ayaa ku Guulaystay inay soo bixiyaan Miinooyinka Dhulka lagu Aasay iyadoo aan wax dhib ah Gaysan.

Taliyaha Ururka 5-aad Guutada 16-aad Kumaandooska Xoogga Dalka ee Dana Carab Dheeg Axmed oo Lahadlay Idaacadda Qalabka Sida ayaa sheegay ujeedka howlgalka inuu ahaa sidii Looga Hortagilahaa Shirqoolada Cadaga ay Umaleegayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuuna intaasi kudaray in Ciidanka ay Kuguuleeysteen soo saarista 7-Miino oo ay Al-shabaab Ku Aaseen Wadooyinka.

Intii Howlgalka uu Socday Ciidanka Waxay Waxyaabaha Macmacaanka ee ay Jecelyihiin Caruurta uqeeybiyeen Qaarkamid Caruurta Tuulooyinkaasi Si ay udareensiiyaan Ciidanka Inuuyahay Kuwo Ku Adeegaya Shacabkooda Kana Hortagaya Dhagarta Cadawga Nabadiidka ah.

Ciidanka Danab ayaa ah kuwa utababaran Ladagaalanka Argagixisaday iyo Soo Saarista Miinooyinka Dhulka lagu Aaaso Taasi oo Noqotay Mida kaliya ee Argagixisadu Maciin Badeen iyo inay Shacabka ku Dhiibateeyaan

















Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip