Taliyaha Ciidanka Asluubta iyo wasiirka Cadaaladda oo si wadajir ah u furay Aqoon korarsi ku saabsan ka hortaga fikirka xagjirka

0
Wednesday June 09, 2021 - 20:37:02 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 331
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Ciidanka Asluubta iyo wasiirka Cadaaladda oo si wadajir ah u furay Aqoon korarsi ku saabsan ka hortaga fikirka xagjirka

    Munaasabad kooban oo lagu dahfurayay siminaar ku saabsan wacyigalinta ka hortaga fikirka xagjirka ah ayaa loo furay qaar ka mid ah sarakiisha iyo ciidamo ka tirsan Asluubta ee ka howlgal xabsiga dhaxe ee xamar.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasabad kooban oo lagu dahfurayay siminaar ku saabsan wacyigalinta ka hortaga fikirka xagjirka ah ayaa loo furay qaar ka mid ah sarakiisha iyo ciidamo ka tirsan Asluubta ee ka howlgal xabsiga dhaxe ee xamar.

Madasha ayaa waxaa ku sugnaa wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, Taliye ku xigeenka Ciidanka Asluubta iyo qaar ka mid ah culumaa’udiinta bixindoonta  Wacyigalintan oo socondoonta mudo sadex cisho ah.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Gen. Mahad Cabdiraxmaan Aadan, ayaa kula dardaarmay Ciidanka in ay ka faa’ideestaan aqoonta ay bixin doonan Culimadan ka socota wasaaradda diinta Awqaafta.

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cumar Cali Rooble, ayaa tilmaamay in cashirada la bixin doona ay yihiin kuwa looga hortagayo fikirka qaldan ee xagjirka si maxaabista looga wacyigaliyo.

Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac, ayaa sheegay in markasta ay xooga sarayaan sare u qaadista Aqoonta Ciidanka Asluubta lanajoogteendoono.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip