Ciidamada Qalabka Sida Oo Hambalyeeyay Sanad guurada Koowaad Ee Radiyaha Codka Ciidmada Qalabka Sida Ee SNA Radio

0
Wednesday July 08, 2015 - 19:36:34 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1238
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Qalabka Sida Oo Hambalyeeyay Sanad guurada Koowaad Ee Radiyaha Codka Ciidmada Qalabka Sida Ee SNA Radio

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Qaar ka mi ah Ciidamada qalabka Sida ayaa hambalyeeyay sanad guurada koowaad ee Aas aaska Idaacadda Radio Muqdisho Codka Ciidamada qalabka sida iyagoo ku tilmaamay halkii sano oo ay idaacada shaqeyeneysay in ay ku tilaabsatay horumaro kale duwan.

Idaacadda oo mudadii ay jirtay xooga saartay baahinta xogaha ku saabsan howlaha wanaagsan ee ciidamada  dadka ay ugu qidmeynayaan bulshada Soomaaliyeed, waxaana ay ugu hambalyeeyeen guud ahaan ciidamada qalabka Sida iyo shaqaalaha idaacada oo halkii sano oo ay jirtay muujiyay howlkarnimo aan la qiyaasi Karin.

Ciidamadani la hadlay radiyaha codka ciidamada qalabka sida xili ay ku jireen howlaha shaqo oo ay dadka ugu adeegayaan ayaa waxa ay sheegeen in muhiimad gaar ah ay ugu fadhiso islamarkaana ay wax badan ay badashay mooraalka ciidamada maadaama ay arkayaan idaacad ay leeyihiin.

1 july 2014-kii ayaa la aas aasay idaacadani ku hadleysa codka Ciidamada qalabka sida waxaana doorkeedu uu yahay baahinta howlaha ma daalayaasha ciidamada qalabka sida ay ugu qidmeynayaan bulshada Soomaaliyeed islamarkaan naftii hurnimada ah iyo wacyigilinta bulshada iyadoo loo marayo in dadka laga wacyigaliyo fikirada guracan ee argagaxisada iyo sida diinta islaamka ay ugu been sheegayaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip