Madaxweynaha oo ka qeybgaley shirka Guddiga Amniga Qaranka

0
Tuesday July 07, 2015 - 20:27:08 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1146
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha oo ka qeybgaley shirka Guddiga Amniga Qaranka

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Muqdisho, Talaado 7 July 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa u shir guddoomiyay shirka toddobaadlaha ee Guddiga Amniga Qaranka oo lagu qabtey xarunta madaxtooyada.

Madaxweynaha oo shirka hadal ka jeediyay ayaa kula dardaarmey madaxda laamaha amniga inay dardar-geliyaan hawlaha sugidda amniga iyo xasilinta dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in amniga uu yahay tiirka koowaad ee dowladda ay ku dhisan tahay, loona baahan yahay in guulaha laga gaarey la xajiyo, lana wajaho qaabkii dalka oo dhan amni buuxa looga dhalin lahaa.

Madaxda laamaha amniga qaranka oo iyaguna shirkaasi ka hadley ayaa ka warbixiyey waxqabadka iyo qorshe hawleedkooda, iyagoo dhanka kalena ka dalbadey shacabka inay taageeraan barnaamijyada dalka lagu xasilinayo.

Shirkan waxaa kale oo ka soo qeybgaley Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke.

1245




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip