Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka oo hawlgallo ka smeeyay Hiiraan

0
Wednesday May 12, 2021 - 15:34:43 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 338
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka oo hawlgallo ka smeeyay Hiiraan

    Ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan Guutada 5aad ee Hiiraan ayaa wado howlgallo maleeshiyada Al shabaab looga saarayo deegaanada waqooyi ee gobolka Hiiraan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan Guutada 5aad ee Hiiraan ayaa wado howlgallo maleeshiyada Al shabaab looga saarayo deegaanada waqooyi ee gobolka Hiiraan.

Taliyaha Guutada 5-aad Qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga dalka, Maxamuud Xasan Ibrahim Baakaay oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in deeganada ay howlgalada ka socdaan ay ka tirsan yihiin degmooyinka Matabaan iyo Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Inta uu Howlgalka socday Ciidanka ayaa tagay degaano ay ka carareen maleeshiyada Al Shabaab markii ay maqleen dhaq dhaqaaqa Ciidanka xoogga dalka ee kusoo wajahan, deegaanada ay ciidanka tageen ayaa waxaa ka mid ah Coomaad iyo Madhooy oo hoostago Degmada Matabaan iyo degeenno kale, sidoo kale ciidamada xoogga dalka ayaa howlgallo ka sameeyay dhulka buuraha ah ee u dhaxeeya Beledweyne iyo Matabaan.

Howlgalada ciidanka ee gobolka Hiiraan ayaa imaanaya iyadoo mudooyinkan danbe ay Al- Shabaab ku howlanayeen in ay galaangal ku yeeshaan inta u dhaxayso gobalada Hiiraan iyo Galgaduud.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip