Wasiirka Warfaafinta " Kenya Dacwad Ayaan ka Gudbin Doonnaa"

0
Tuesday July 07, 2015 - 20:18:42 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1243
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Warfaafinta " Kenya Dacwad Ayaan ka Gudbin Doonnaa"

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Somaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareye oo Shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay in Kulankii Golaha Wasiiradda ay xalay ku yeessheen Muqdisho oo uu shir Guddoominayay R’iisulwasaare Cumar Cabdirashiid warbixinno looga dhageystay Qareenno Soomaaliyeed oo loo xilsaaray Dacwad la xiriirta Xuduudda Badda  Somaaliyaay la wadaagto Kenya.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in Golaha wasiiradda ay isku racaeen in 13-ka Bishan July Dowladda Soomaaliya ay u gudbiso dacwad ka dhan ah muranka xuduud badeedka Soomaaliya Kenya ay la wadaagto Maxkamadda Cadaaladda QM, dukumiintiyada cadeynaya lahaanshaha dhulka Kenya ay dooneyso inay la wareegto,oo qeyb ka ah badda Somaaliya wuxuuna sheegay in Bisha March ee sanadka 2016’ka ay sirasmi ah u billaabi doonto Dacwada ku saabsan Xuduuda badda  labada dal ee Kenya iyo Soomaaliya.

 "Waxaa Warbixin laga dhageystay labo Loyar oo Soomaali ah oo noo qaabilsan Dacwada Xuduud badeedka Soomaaliya iyo Kenya oo aad ogtihiin in marar badan oo hore leysku dayay in si Wada xaajood ah lagu dhameeyo balse ay suuroobi weysay markii dambana Dowladda Soomaaliya ay go’aamisay in laga dacwoodo Arrintaas maadaama xadgudub ay Kenya kusoo sameysay Badda Soomaaliya”  Ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Dhanka kale wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in  Dacwadda Ay u gudbin doonaan Maxkamadda Caalamiga ee Cadaaladda QM 13-ka July isniinta soo socota

"Sida looyariintu ay noo sheegeen Kenya markaa waxay xaq u leedahay mudo 8-bil ah inay soo diyaariso jawaabteeda, kaddibna fadhiga ayaa billaabanaya waqti ku began March 2016, balse Dowladda Soomaaliya  dukumintigeeda oo ka kaooban 150 page oo ay qoreen Looyaro Caalami ah iyo kuwo Soomaali ah waxaa la gudbinayaa Isniinta soo socot.” Ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa tilmaamay in golaha wasiirrada ay dood kulul ka yeesheen arrimaha ammaanka Qaranka, gaar ahaan sidii loo soo gabagabeyn lahaa howlgallada ka dhanka ah nabad-diidka, qorshe arrintaa la xiriirana dhowaan laga fulin doono meelo  qorsheysan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip