Madaxweynaha oo kulan afur ah u sameeyay safiirada dalalka Islaamka ee Soomaaliya jooga

0
Tuesday July 07, 2015 - 20:16:29 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1095
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha oo kulan afur ah u sameeyay safiirada dalalka Islaamka ee Soomaaliya jooga

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa kulan afur ah u sameeyay safiirada dalalka Islaamka ee jooga Soomaaliya, kaasi oo looga hadlayay arrimo badan.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xoojinta xiriirka Wadamada Islaamka iyo Soomaaliya, iyagoo amaanay horumarka dowladda Soomaaliya ay ku tallaabsatay, iyagoo xusay inay sii xoojinayaan taageerada ay siinayaan dowladda.

Afhayeenka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Daa’uud Aweys ayaa sheegay in ujeedka kulanka afurka ah uu ahaa sidii Madaxweyanaha iyo Safiirada dalalka Islaamka ee jooga Soomaaliya ay u kala warqaadan lahaayeen,

"Munaasabadan waxa ay ahayd mid loogu talagalay safiirada dalalka Islaamka ee jooga Soomaaliya, waxaa looga hadlay xaaladda dalka ay mareyso, sidii ay u xoojin lahaayeen taageerada ay siinayaan dowaldda, waxayna bogaadiyeen horumarka ay dowladda ku talaabsatay” ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyada Qaranka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip