Baarlamaanka oo ansixiyay guddiga doorashooyinka qaranka "Akhriso xubin kasta codka ay heshay"

0
Monday July 06, 2015 - 19:37:25 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1113
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baarlamaanka oo ansixiyay guddiga doorashooyinka qaranka "Akhriso xubin kasta codka ay heshay"

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Kulanka Baarlamaanka  Soomaaliya oo maanta ajendihiisu ahaa cod u qaadida xubanaha gudiga madax banaan ee doorashooyinka qaranka, qaabka cod qaadista oo ah mid qarsoodi ah ayaa hadda waxaa soo idlaatay codeynta waxaana la tiriyay codadka xildhibaanada Baarlamaanka oo gaaraya 187 xildhibaan oo kulanka maanta soo xaadirey.

Sida sharciga uu qabo xubinta ka tirsan labadan gudi waxaa ay ansax noqonaysaa marka ay hesho 94 cod, waxaana codadka u kala leheen sidan.

1.Siciid Xaashi Warsame, wuxuu heley 124 cod


2. Maxamed Xasan Thaani, wuxuu heley 120 cod
3. Xuseen Cabdi Aaden,  wuxuu heley 119 cod
4. Sayid Cali Sheekh Maxamed, wuxuu heley 129 cod
5. Maxamed Axmed Nuur, wuxuu heley 117 cod
6. C/rixmaan Cismaan Dirir, wuxuu heley 128 cod
7. Maxamed Daahir Maxamuud, wuxuu heley 127 cod
8. Xaliimo Ismaaciil Ibraahim, waxaa ay heshay 102 cod
9. Khadiijo Cosoble Cali, waxaa ay heshay 119 cod.

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka ayaa waxaa soo xushay wasaaradda arimaha gudaha iyo federaalka,iyadoo kal hore xubnaha golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ay meel mariyeen isla markaana loo soo gudbiyay Baarlamaanka oo maanta isagana ansixiyay.

Guddigan ayaa waxaa ay muhiim u yihiin qarankan maadaama dalka sida uu qorshuhu yahay sanadka 2016 lagu qaban doono doorasho, waxaana guddigan uu mas’uul ka yahay in qaabeynta doorashooyinkaasi.

Hadda waxaa socota tirinta codadka mudaniyaasha Baarlamaanka oo u codeeyay xubnaha guddiga madaxa banaan ee xuduudaha.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip