Abaabulka Howlgalo UGUS Lagu Ciribtirayo Oo Ka Socda Jubooyinka Iyo Gedo

0
Sunday July 05, 2015 - 10:00:07 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1296
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Abaabulka Howlgalo UGUS Lagu Ciribtirayo Oo Ka Socda Jubooyinka Iyo Gedo

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.



Howlgalo balaaran oo looga soo horjeedo Ururka Gumaadka Umadda Soomaaliyeed ee UGUS ayaa ciidamada Maamulka Jubba waxay ka wadaan gobolada Gedo iyo Jubooyinka, iyadoo maamulka jubba uu sheegey in qorshaha howlgalada uu yahay in goobaha ay kaga harsan yihiin goboladaasi laga saaro Argagaxisada.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubba Suldaan C/qaadir Xaaji Maxamuud Luga-dheere oo la hadlay laanta Afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in uu socdo abaabulka xoreynta deegaanada fara ku tiriska ee argagaxisadu ku harsanyihiin oo meel wanaagsan marayo.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in si isku mid ah abaabulkaasi uu ugu socdo guud ahaan deegaanada iyo degmooyinka hoos yimaada Maamulka Jubba dadweynaha ku dhaqan deegaanada ay ku dhuumaaleysanayaan Maleeshiyaadka Shabaab xiriir wanaagsana uu kala dhexeeyo islamarkaana ay kala shaqeynayaan maamulka sidii loo ciribtiri lahaa argagaxisada.

Ciidamada Maamulka Jubba ayaa feejignaan la galiyay, iyadoo si weyn u sugaya ammaanka kuwaa oo ka feejigan qataraha ay u maleegayaan umadda Soomaaliyeed Dhagar qabayaasha Al Shabaab, waxaana ciidamada lagu arkayaa iyagoo gaaf wareegaya xaafadaha magaalada Kismaayo.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip