Xukuumadda oo hambalyo u dirtay Madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka Galmudug

0
Saturday July 04, 2015 - 18:33:05 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1071
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda oo hambalyo u dirtay Madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka Galmudug

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweysay doorashadii ka dhacdey magaalada Cadaado ee lagu doortay Madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Cumar Carte ayaa ugu hambalyeeyey Madaxweynaha cusub ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed, isagoo bogaadiyey guddiga doorashada iyo Xildhibaannada maamulkaasi, si loo dhameystiro hanaanka doorashooyinka.

"Waxaan u hambalyaynayaa Madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed, Alle ayaan uga baryaynaa in uu howsha adag ee loo doortay ku garab galo, waxaan aad ugu faraxsanahay sida ay doorashada u dhacday, oo ah mid xaq ah iyo si xalaal ku dhacday, bulshadana ay la shaqeeyaan hogaanka cusub” ayuu yiri Maxamed Cumar Carte.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip