Janaraal Indhaqarshe:" Ma jiro ciidan Soomaali ama AMISOM oo meel ka guurey"

0
Friday July 03, 2015 - 22:40:52 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1184
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Janaraal Indhaqarshe:" Ma jiro ciidan Soomaali ama AMISOM oo meel ka guurey"

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Janaraal Daahir Aadan Cilmi "Indhaqarshe” oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in ciidanka xooga dalka iyo kuwo AMISOM ay ka soo guureen ama ay ka baxaan goobo ay ku sugnaayeen.

"Ma jirto meel AMISOM ay ka guurtay ama ay ka carartay, laakiin waxaa jira meel markii horeba looga talagalay in ay muddo deganaato, mudadaasi ka bacdina ay ka guurto oo u jeedooyinkii loo degayna looga gudbo meelo noocaas ah ayaa jira”, ayuu yiri Indhaqarshe.

Sidoo kale taliyaha ayaa tilmaamay in meel kasta oo dalka kamid laga saari doono kooxaha nabad diidka ah ee Al-shabaab isla markaana ciidanka xoogga ay taas ka go’an tahay.

"Si cilmiyaysan oo qaab militiri ah ayaa meel loo dejiyaa markuu u baahadana waa uu ka guuraa, marka ummadda Soomaaliyeed waxaan u sheegayaan in aysan jirin ciidan Soomaali ama AMISOM ah oo meel uga guurey si ula kac ah”, ayuu kale sheegay taliyaha.

Taliyaha ciidanka xooga dalka ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in Shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay ku kalsoonaadaan ciidanka isla markaana ay iska ilaaliyaan wararka beenta ah oo ay faafinayaan kooxda  Al-shabaab.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip