Taliyahii Hore ee CXDS Gen Indhaqarshe oo Hambalyo u diray Ciidanka Badda iyo Difaaca xeebaha Soomaaliya

0
Tuesday February 09, 2021 - 19:30:33 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 696
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyahii Hore ee CXDS Gen Indhaqarshe oo Hambalyo u diray Ciidanka Badda iyo Difaaca xeebaha Soomaaliya

    Taliyahii Hore ee Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Daahir aadan Cilmi (Indhaqarshe) ayaa Hambalyo u diray Ciidanka Badda iyo Difaaca xeebaha ee Soomaaliya oo dabaaldegaya Sanad guurada 56-aad ee ka soo wareegatay markii la aas-

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyahii Hore ee Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Daahir aadan Cilmi (Indhaqarshe) ayaa Hambalyo u diray Ciidanka Badda iyo Difaaca xeebaha ee Soomaaliya oo dabaaldegaya Sanad guurada 56-aad ee ka soo wareegatay markii la aas-aasay ciidankaasi oo ah 10-02-1965-kii. Oo beri u dabaal dagayo.

Jeneraal Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe Taliyihii Hore ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa sheegay in Ciidanka Badda iyo Difaaca xeebaha  ee Soomaaliya Xoogga Dalka ay kamid yihiin tiirarka ugu muhiimsan ee dowladnimada Soomaaliya, waaxana uu ugu hambalyeey Sanad guurada 55-aad ee ka soo wareegatay markii la aas-aasay ciidankaasi.

"Waxaan u Hambalyeynayaa  Admiraalada, Saraakiisha, Saraakiil xigeennada, dableyda, Alifleyda Ciidanka Badda iyo difaaca Xeebaha Soomaaliyeed iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed Munaasabadda Sanadguurada 54aad ee Ciidanka badda” ayuu yiri Sarreeye gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe Taliyahii Hore ee Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed

Ciidanka Badda iyo Difaaca xeebaha  ee xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa la aas-aasay 10-kii bishii February sanadkii 1965-kii.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip