Ciidanka Xoogga Dalka Oo Gobolka Shabeelaha hoose Ku dilay ku dhawaad 20 Maleeshiyaad ah.

0
Tuesday February 02, 2021 - 17:05:35 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 348
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Xoogga Dalka Oo Gobolka Shabeelaha hoose Ku dilay ku dhawaad 20 Maleeshiyaad ah.

    Ciidanka xoogga dalka ayaa jab xoogan gaarsiiyay maleeshiyaad katirsan al-shabaab oo isku dayay inay weerar kusoo qaadaan degaanka bariire ee gobolka shabeelaha hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka xoogga dalka ayaa jab xoogan gaarsiiyay maleeshiyaad katirsan al-shabaab oo isku dayay inay weerar kusoo qaadaan degaanka bariire ee gobolka shabeelaha hoose.

Ciidanka oo ka feejignaa dhagarta argagixisada ayaa fashilayay qorshahoodii waxeeyna gaarsiiyeen qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ururka 143-aad guutada 14-ka oktoobar xds ayaa sii baacsaday maleeshiyaadkii argagixisada ilaa 40 km oo ay sii bursanayeen maleeshiyaadkii baxsadka ahaa.

Taliyaha ururka 143-aad guutada 14-ka oktoobar xds Dhamme Axmed Xasan Siyaad ayaa Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida usheegay in ciidanka xoogga dalka al-shabaab ay kadileen 16 maleeshiyaad ah iyo dhaawac 20 kale wxuuna hoosta kaxariiqay in ciidanka ay wadaan howlgalo ay ku baadi goobayaan maleeshiyaadka baxsadka ah howlgaladaasi oo uu sheegay inay kawadaan degaano hoosyimaado degmada awdheegle kuwaasi oo dhoowr jiho ka kala xiga degaanka bariire oo ay kamid yihiin degaanka shaam degaanka balad amiin ee gobolkaasi shabeelaha hoose.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip