Ciidanka Xoogga iyo Daraawiishta Galmudug oo degaano cusub kala wareegay Al-Shabaab+Sawirro

0
Monday February 01, 2021 - 16:09:07 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 373
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Xoogga iyo Daraawiishta Galmudug oo degaano cusub kala wareegay Al-Shabaab+Sawirro

    Ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed ayaa maleeshiyaadka al-shabaab kala wareegay degaanka caad oo ahaa saldhigii labaad ee al-shabaab ku lahayeen koonfurta gobolka mudug.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed ayaa maleeshiyaadka al-shabaab kala wareegay degaanka caad oo ahaa saldhigii labaad ee al-shabaab ku lahayeen koonfurta gobolka mudug.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka gaar ahaan qeybta 21-aad ayaa sheegay in argagixisada ay isaga carareen degaankaasi kadib markii ay kawarheleen dhaq dhaqaaqa ciidanka xoogga dalka.

Wariyaha Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida ee Qeybta 21-aadCabdulaahi Warsame Rooble ayaa sheegay in haatan degaankaasi caad ay gacanta kuhayaan ciidanka xoogga dalka oo ay wehlinayaan daraawiishata gal=mudug.

Ciidanka Daraawiishta Galmudug iyo 21-aad ee Xoogga Dalka ayaa maalmihii u dambeeyay Koonfurta Gobolka mudug ka waday Guluf dagaal oo ka dhan ah maleeshiyaadka Argagaxisada ah ee Al-shabaab looga saarayo Gobolka Mudug, kasoo oo guulo la taaban karo laga gaaray.

 

Wasiirka Amniga Galmudug Ahmed Macalin Fiqi iyo Xildhibaano ka tirsan Galmudug ayaa booqosho dhiiro galin ah ugu tagay Ciidanka ku howlan Baacsiga Al-shabaab kuwaas oo ku ammaanay Ciidanka shaqada ay Dalka u haayaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip