Daawo:M.weynah oo xuska 1-da Luulyo awgeed Ubax dhigay taalada Daljirka Dahsoon.

0
Wednesday July 01, 2015 - 19:33:20 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1153
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo:M.weynah oo xuska 1-da Luulyo awgeed Ubax dhigay taalada Daljirka Dahsoon.

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Muqdisho, July 1, 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xuska sannad-guurada 55-aad ee xornimada iyo midnimada dalka awgii ubax dhigey taalada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha oo ay wehliyeen xubno ka tirsan labada gole, ayaa ubax-dhigga kadib sheegay in Soomaaliya ay ku socoto waddadii horumarka iyo nabadda, qof walba oo Soomaali ahna looga fadhiyo inuu kaalin ka qaato.

"Waxaan mar kale hambalyo ku aaddan munaasabadda 1-da Luulyo u diraya dhammaan shacabka Soomaaliyeed, meel kasta oo ay joogaan. Farxad ayay inoo tahay inaan si nabad ah u qabano munaasabaddan quruxda badan. Si aan horey ugu dhaqaaqno waxaa la inaga rabaa inaan gacmaha is qabsano, inaan qabano shaqo adag iyo nabad dhisid, hawlhaasi oo horseedi doona inaan caalamka maqaam sare ku yeelanno’’, ayu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale fariin u direy warbaahinta , isagoo ugu baaqey inay si xilkasnimo leh uga hadlaan dhacdooyinka waddanka, qeybna ay ka qaataan isku keenista iyo mideynta shacabka.

"Saxaafadda mas’uuliyad ayaa ka saaran inay dalka wax ka dhisaan, nabaddana ka shaqeeyaan. Yaan la isku khaldin xoriyadda saxaafadda iyo warxuma tashiilka. Saxaafadda waa inay noqotaa mid wax dhista, oo ka dhowrsanaata inay tebiso warar kutiri-kuteen ah. Dowladda way taageereysaa shaqada saxaafadda xorta ah, laakiin waa in xornimadaasi ay mas’uuliyad la socotaa oo wararka la tebinayaa ay noqdaan kuwo xaqiiqo ah, dadkana nabadda u horseeda’’.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn shacabka Soomaaliyeed ugu duceeyay in fadliga bisha Ramadan awgeed uu Ilaahay ka dulqaado culeysyada jira, sannadkan kiisa kalena ay ku gaaraan caafimaad , horumar, nabad iyo barwaaqo.

m 1m2m3m4m5m6m7m8m9m10m11m12m13m14m15




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip