Taliye ku xigeenka ciidamada xoogga oo kormeer shaqo ku tagay deegaano hoos taga Galmudug "SAWIRRO"

0
Tuesday January 26, 2021 - 17:47:26 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 312
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliye ku xigeenka ciidamada xoogga oo kormeer shaqo ku tagay deegaano hoos taga Galmudug "SAWIRRO"

    Taliye ku xigeenka ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Xuseen Xoosh Cali oo maanta kormeer shaqo ku tagay degaano hoos taga caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb, gaar ahaan degaanka Beer Liibaan oo dhanka bari kaga beegan magaalad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliye ku xigeenka ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Xuseen Xoosh Cali oo maanta kormeer shaqo ku tagay degaano hoos taga caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb, gaar ahaan degaanka Beer Liibaan oo dhanka bari kaga beegan magaaladaasi.

Degaanadaasi uu kormeerka ku tagay taliyaha waxaa kusugan ciidamo macawiisleey ah, kuwaas oo ah dadka degaanka oo is abaabulay una diyaarsan in ay la dagaalamaan maleeshiyaadka Al-Shabaab.

 

Taliyaha ayaa dhiira gelin u sameeyay ciidanka is abaabulay ee ku suganaa degaanadii uu maanta kormeeray wuxuuna u balan qaaday in ay dowladu ku garab siin doonto howsha ay wadaan oo ah la dagaalanka Al-shabaab.

 

Kormeerkan waxaa Taliyaha ku wehliyay, Saraakiil ka tirsan Qaybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka, Maamulka degmada Dhuusamareeb oo uu horkacayay Duqa Degmada Macalin Cabdiraxmaan Geedaqoroow iyo Masuuliyiin kale.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip