Xuska Munaasabadda 1-da Luulyo oo xalay lagu qabtay Aqalka Dowladda Hoose

0
Wednesday July 01, 2015 - 11:12:02 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1105
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xuska Munaasabadda 1-da Luulyo oo xalay lagu qabtay Aqalka Dowladda Hoose

    Munaasabad lagu weynaynayay 55 guuradii ka soo wareegtay markii gobollada Koonfureed ay xornimada ka qaateen gumeystihii Talyaaniga iyo Midowgii gobollada Koonfur iyo Waqooyi oo ahayd 1-dii Luulyo sanadkii 1960-kii ayaa xalay lagu qabtay xarunta aqal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasabad lagu weynaynayay 55 guuradii ka soo wareegtay markii gobollada Koonfureed ay xornimada ka qaateen gumeystihii Talyaaniga iyo Midowgii gobollada Koonfur iyo Waqooyi oo ahayd 1-dii Luulyo sanadkii 1960-kii ayaa xalay lagu qabtay xarunta aqalka dowladda Hoose ee Muqdisho, halkaasi oo ay ka qeyb galeen Madaxda sare ee dowladda, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, saraakiisha ciidamada qalabka sida, maamulka Gobolka Banaadir, diblomaasiyiin, dadweyne aad u fara badan iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay xafladda.


Amaanka magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay iyadoo Aqalka Dowlada Hoose ee Muqdisho ay kusoo qulqulaayen dadweyne aad u tira badan oo qaarkod dhabanada iyo dareeska  ay wataan kusoo xardhay Calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya

Madaxweynaha Jamuuriyada Fedraalka Soomaliya Soomaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa marki uu soo gaaray aqalka dowladda Hoose salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Qaar kamid ah dadkii kahadlay madasha  ayaa ka shekeeyay ahmiyadda ay Ummadda Soomaaliyed u lee dahay in la weyneeyo 1-luulyo iyo halgankii loo soomaray in Soomaaliya ay xornimo qaadato.

Guddoomiyaha gobalka banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Xasan Maxamed xuseen Muungab  ayaa xusay in uu aad ugu faraxsanyahay in munaasabaddan lagu qabto xarunta dowladda Hoose, halkaasi oo uu ku sheegay inay ahayd xaruntii ugu horeysay ee calanka Jamhuuriyadda laga taagay 55 sano kahor.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukuumadda Soomaliya ahna Guddoomiyaha Guddiga qaban qaabada ee todobaadka xoriyadda Mudane Maxamed Cabdi xayir Maareye oo munaasada kahadlay ayaa u mahad celiyay guddiga kaalinta guddiga ay ka geysteen qabsoomiyadda iyo habsami u socodka xafladda, isagoo shacabka hambalyo ku aadan 1-da Luulyo hawada u mariyay.

Madaxweynaha Jamuuriyada Soomaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu horeyn ugu hambalyeeyay Ummadda Soomaaliyed ee key nool guud ahaan dalka iyo dibadiisa in sanadkan kan xiga ay ku gaaraan horumar iyo baraare.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in horumarka iyo nabada maanta dalka ka jirta ay sabab u yihiin  geesiyaasha ciidamada qalabka sida ee naftooda iyo dhiigoda had iyo jeer u hura badbaadinta dalka iyo dadka Soomaaliyed, isagoo shacabka ka codsay ina y xoojiyaan la shaqeynta ciidanka, si looga hortago waxkasta oo amniga qal qal ku abuuri kara.

Intaasi kaddib Madaxda Qaranka iyo dadweynahihii ka qeyb galay munaasadda ayaa waxey isugu yimaaden fagaaraha dhismaha aqalka Dowlada Hoose ee Muqdisho, waxaana halkaasi laga taagay calanka buluuga ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, iyadoo Madaxweynuhu uu markale salaam sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka iyo muusikada baambeyda.

1-da Luulyo sanadkii 1960-kii oo ka soo wareegatay 55 sano ayaa ah markii Gobollada Koonfureed ay Madax-banaanidooda ka qaateen Gumeystihii Talyaaniga iyo Midowgii Gobollada Waqooyi iyo Koonfur, taasi oo qiimo weyn ugu fadhida shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip