Madaxweynaha:'Marna raali kana nihin derbiga laga dhisayo xadka Soomaaliya iyo Kenya"-Sawirro

0
Tuesday June 30, 2015 - 23:41:49 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1184
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha:'Marna raali kana nihin derbiga laga dhisayo xadka Soomaaliya iyo Kenya"-Sawirro

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Ra’iisalwasaraha xukuumadda Soomaaliya Dr Cumar Cabdirashiid Cali ayaa maanta ka qaybgalay kulanka golaha shacabka Soomaaliyeed,iyadoo madaxweynuhu khubad ka horjeediyay Baarlamaanka Soomaaliya isagoo ka warbixiyay xaaladaha guud ee dalka xilligan.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khubadiisa uga hadlay arimaha badan oo ay kamid tahay ammaanka, siyaasadda, kobcinta dhaqaalaha dalka iyo baahinta hanaanka Federaalka,isagoo sheegay in dowladdu ay ku guuleysatay in ay sameyso maamulo ku meel gaar ah oo uu dalku yeesho.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in dowladda ay dadaalo badan u gashay sidii dalka nabad loogu soo dabaali lahaa maadaama uu dalku dagaal kula jiro kooxaha nabad diidka ah ee UGUS.

"Dagaalna waan garanaynaa maalin waxbaa riixeysaa maalinta waa lagu riixeyaa laakin xaaladda amni ee guud ahaan dalka waa ay wanaagsan tahay,horumar ayaa laga gaaray qaabeynta dagaalka lagula jiro kooxaha argagaxisada”, ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa mar kale golaha shacabka ka hor cadeeyay in aysan jirin doonin wax muddo kororsi ah marka uu dhamaado waqtiga dowladda federaalka oo hadda jirta.

Mudane Xasan Madaxwaynaha dalka oo ka hadlayey muranka u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo Kenya ee ku aadanka xadka dhinaca badda ah oo ay wadagaan labada dal ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay dacwo ka gudbisay arrintaasi ayna tallo dacwadaasi maxkamadda Cadaaladda Aduunka .

"Dowladda Soomaaliya mowqif cad ayay iska taagtay arinta ku saabsan xuduuda badda waa nala ku cadaadiyay waa nala ku cabsi geliyay dhinaca walba ayaa nalaga tusay si aan uga aamusno oo aan ka gaabsano shirar badan ayaa ka yeelanay waa la isku fahmi waayay sidaa darted kiiska waa loo gudbiyay maxkamadda cadaaladda Aduunka”, ayuu markale yiri Mudane Xasan.

Madax waynaha oo hadalkisa sii wata ayaa dhinaca kale ka hadlay derbiga dowladda Kenya ay sheegtay in ay ka dhisayso xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, isagoo sheegay in Soomaaliya ay markasta ka go’an tahay deris wanaag isla markaana dowladu marna ogolaan doonin derbiga laga dhisayo xadka labada dalka.

"Marna raali kama noqoneyno derbiga xukuumadda Soomaaliya gudi ayay u saartay arintan si ay u baaraan ayna keenaan xaqaa’iqa ka jira”, ayuu sheegay madaxweyne Xasan.

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federalka ayaa mudanayaasha Barlamaanka Soomaaliyeed u diray hambalyo ku aadan maalinta Xuriyadda Soomaaliya oo ah 55 sano guuradii ka soo wareegatay 1 July 1960 dii.

IB0A1790IB0A1789IB0A1775IB0A1770IB0A1821IB0A1823IB0A1837IB0A1896IB0A1849IB0A1842IB0A1933IB0A1931IB0A1926IB0A1914IB0A1936IB0A1960IB0A1964IB0A1966IB0A1971IB0A1976IB0A1985IB0A1987IB0A2002IB0A1996IB0A1989

IB0A1896




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip