Ciidanka amniga oo Howlgalo ka sameeyay magaalada Jowhar.

0
Tuesday January 05, 2021 - 17:43:12 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 364
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka amniga oo Howlgalo ka sameeyay magaalada Jowhar.

    Ciidanka amniga ayaa howlgallo lagu xaqiijinayo ammaanka ka sameeyay xaafadaha magaalada Jowhar ee caasimadda Dowlad goboleedka Hirshabeelle.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka amniga ayaa howlgallo lagu xaqiijinayo ammaanka ka sameeyay xaafadaha magaalada Jowhar ee caasimadda Dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Howlgalkaan oo ahaa mid amniga lagu sugayo ayaa lagu soo qabtay dad aad u fara badan, kuwaas oo qaarkood lagu tuhmayo in ay ka tirsan yihiin maleeshiyada Al-Shabaab.

Howlgalka oo ay si wadjir ah u fuliyeen Ciidamo isugu jira Boolis, Nabad sugid iyo ciidanka Booliska ee sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa baaritaanada u sameynayay si feejigan, iyagoo u dhimrinaya shacabka.

Mas’uuliyiinta ugu sareysa maamulka Hirshabeelle ayaa ciidanka ku bogaadiyay Howlgalada ay wadaan iyo sida ay bulshada ula dhaqmayaan,waxayna ku micneeyeen ujeedka howlgaladan kuwo lagu sugayo amniga,islamarkaana Bulshada dhexdeeda looga qabanayo dhagar qabayaasha Al-Shabaab.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip