Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Oo Shacab Gobolka Gedo ugu Baaqay inay Ciidanka ka Gacan siiyaan sidii Maleeshiyaadka Al-shabaab Looga Saari lahaa Degaanada ay kajoogaan Gobolka.

0
Tuesday January 05, 2021 - 17:34:08 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 357
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Oo Shacab Gobolka Gedo ugu Baaqay inay Ciidanka ka Gacan siiyaan sidii Maleeshiyaadka Al-shabaab Looga Saari lahaa Degaanada ay kajoogaan Gobolka.

    Taliyaha ciidanka dhulka Xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Tahaliil Biixi oo ku sugan degmada Doolow ee gobolka Gedo ayaa shacabka gobolkaas ku dhaqan ka codsaday in ay ciidanka xoogga gacan ka siiyaan sidii maleeshiyada Al-Shabaab looga xor

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha ciidanka dhulka Xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Tahaliil Biixi oo ku sugan degmada Doolow ee gobolka Gedo ayaa shacabka gobolkaas ku dhaqan ka codsaday in ay ciidanka xoogga gacan ka siiyaan sidii maleeshiyada Al-Shabaab looga xoreyn lahaa gobolka Gedo.

Generaal Biixi ayaa ka rajeeyay shacabka iney gacan ka siin doonaan sidii looga dul qaadi lahaa cadowga Al-Shabaab oo u diiday wax-soo-saarkii Beeraha,xoolo dhaqashadii iyo ganacsiga intaba.

" Waxaanu rajeyneynaa shacabka inuu gacan nagu siin doono sidii looga dul qaadi lahaa cadowgaas," ayuu yiri taliyaha ciidanka Lugta xoogga dalka Soomaaliyeed.

Taliyaha ciidanka Lugta Xoogga dalka iyo wafdi saraakiil ah oo uu hoggaaminayo ayaa shalay degmada Doolow ee gobolka Gedo u gaaray u kuurgelida ciidanka, ammaanka iyo ka sifeynta Al-Shabaab ee gobolkaas.

" Safarkeyga wuxuu daarnaa u kuurgelida ciidamada jooga gobolka gedo dhamaan nuucyadiisa kal duwan, u kuur gelida ammaanka gobolka, sifeynta iyo la dagaalanka nabad-diidka gobolka kala ragaadiyay ee goboladiisa kala qob qobay inaanu ka xoreyno, waxaan filayaa shacabka reer Gedo waa shacab Dowladnimadana jecel nabaddana jecekl, laakiin waxaa ragaadiyay muddooyinkii dambe nimankan nabad-diidka ah oo u diiday haddii ay ahaan lahayd wax-soo-saarkii beeraha, xoola dhaqashadii iyo ganacsigii intaba ka ragaadiyay,” ayuu yiri Generaal Biixi.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip