Ciidamada Kumaandooska Xoogga Dalka Ee DANAB oo Howlgal Qorsheysan ka fuliyay Gobolka Baay.

0
Sunday January 03, 2021 - 19:56:58 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 369
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Kumaandooska Xoogga Dalka Ee DANAB oo Howlgal Qorsheysan ka fuliyay Gobolka Baay.

    Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee danab ayaa saacadihii la soo dhaafay waxa ay howlgallo ka sameeyeen degaano ka tirsan gobolka Baay, halkaas oo ay ku sugnaayeen Maleeshiyada Argagixisada ah Al-Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee danab ayaa saacadihii la soo dhaafay waxa ay howlgallo ka sameeyeen degaano ka tirsan gobolka Baay, halkaas oo ay ku sugnaayeen Maleeshiyada Argagixisada ah Al-Shabaab.

Howlgalka oo ay fuliyeen Guutada 16-aad ee kumaandooska xoogga dalka danab ayaa waxeey kasameeyeen degaannada, Buur-Heybe, Jiira-Koolow, durdurow, Saaxweyn iyo Yaq-Doomaar, kuwaas oo dhamaantood hoostaga degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay.

 

Saraakiisha DANAB ee howlgalka hoggaamineysay ayaa Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida u sheegay inay burburiyeen Xarumo ay Kooxda Nabaddiidka ah ee Al-Shabaab ku lahaayeen degaannada Ciidamada ay howlgalka ka sameeyeen ee katirsan gobolka baay.

 

Sidoo kale saraakiisha waxaa ay sheegeen in howlgalka ay ku qabteen Rag ka tirsan Kooxda NabaddiidkaAl-Shabaab, Mootooyin ay isticmaali jireen iyo Agab Ciidan, kadib markii ay isaga baxeen degaannada howlgalka laga sameeyay.

 

Ciidamada Kumaandooska ee xoogga dalka DANAB ayaa howlgallo qorsheysan waxaa ay ka fuliyaan degano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada dalka oo ay ku sugan yihiin Kooxda Nabad-diidka Al-Shabaab,iyadoona Howgaladaasi lagu qaarajiyay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Argagixisada ah ee Alshabaab.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip