Ciidanka Hay'ada NISA oo baaritan ka sameeyay xaafado Ka tirsan Magaalaada muqdisho

0
Tuesday June 30, 2015 - 11:37:46 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1311
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Hay'ada NISA oo baaritan ka sameeyay xaafado Ka tirsan Magaalaada muqdisho

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Ciidamada gurmadka Gor gor oo ka tirsan hay’adda Nisa oo malmihii ugu
danbeyey ku howlanaa sugida nabad-galyada magalada muqdisho ayaa manta degmooyin ka tirsan gobolka banadir waxey ka sameyeen howlo isugu jira baaritaano amniga muqdisho lagu adkeynayo iyo afurin ay u sameynayeen dadka degan xafadaha degmooyinka ay ka howlgalayeen.

Degmooyinka sida gaarka ah manta ay uga howlgaleen ciidamada gor gor
ayaa waxa ka mid ahaa degamada xamar weyne oo ay baritaano ka sameyeen wadooyinka dhexmara degmadaasi ayago baarayey dadka iyo gaadidka isticmayay wadoyinkaas sidoo kalana ciidamada ayaa intii ay dagmada xamar weyne ka howlgalayeen waxey xog wareysi ku adan adkeynta nabad galyada la yeelanayeen dadka ka ganacsada suuqyada halkaasi ku yaala.

Sidoo kale ciidamada gor gor ayaa ka howlgaley xafadaha Degmooyinka


Hodan Howl-wadaag iyo Warta Nabada ayagoo baaritaano ku sameynayey
dadka saran gaadiidka isticmaala wadooyinka waaweeyn ee Maka-al
Mukarama Wadada Wadnaha iyo Wadada Tarabuunka
Xiligii afurka markii la gaarey ayaa waxaa la arkaayey ciidamada oo
afirin u sameynaya dadka saran gaadiidka ay baaritaanada ku
sameynayeen iyo dadka kale oo dagan xafadaha ka agdhow wadooyinka
ciidamadu shaqada ka hayeen.

Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magalada muqdisho oo an makarafoonka warbaahinta qaranka la dhex qaadney ayaa soo dhaweyey howlahan isugu jira baaritaanada iyo afurinta dadka saa’imiinta ah ay u sameynayaan ciidamada Gurmadka Gor-gor ee ka tirsan Nisa.

Ciidamada gor gor ee ka tirsan hayada nabad sugida ayaa la waregey
amaanka magalada muqdisho waxeyna tan iyo markii ay curate bishan
barakeysan ee ramadaan ka wadaan xaafadaha iyo wadooyinka degmooyinka gobolka banadir iyo afurinta ay u sameynayaan dadka danyarta ah ee ku dhaqan muqdisho.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip