Taliyaha ciidanka Dhulka Xoogga dalka oo ciidanka ku ammaanay badbaadinta shacabka Soomaaliyeed

0
Saturday December 26, 2020 - 15:41:59 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 346
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha ciidanka Dhulka Xoogga dalka oo ciidanka ku ammaanay badbaadinta shacabka Soomaaliyeed

    Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga dalka Soomaaliyeed Generaal Maxamed Tahaliil Biixi iyo saraakiil uu hoggaaminayo oo kormeer la xiriira howlgalada ciidamada xoogga dalka ay ka wadaan deegaanada Galmudug ku soo maray magaalooyinka Gaalkacyo iyo Cadaado

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga dalka Soomaaliyeed Generaal Maxamed Tahaliil Biixi iyo saraakiil uu hoggaaminayo oo kormeer la xiriira howlgalada ciidamada xoogga dalka ay ka wadaan deegaanada Galmudug ku soo maray magaalooyinka Gaalkacyo iyo Cadaado ayaa shalay gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, halkaas oo ay ku soo dhoweeyeen saraakiisha iyo ciidamada xoogga.

Generaal Maxamed Tahliil Biixi, taliyaha ciidanka ayaa kormeeray xarumaha ciidamada qeybta 21-aad iyo kuwa kumaandooska Gor gor ee ku yaalo deegaanada dhaca koonfurta magaalada Dhuusamareeb oo howlgalo maalmihii u dambeeyay ay ka wadeen ciidanka xoogga dalka looga awood roonaaday maleeshiyada Al-Shabaab.

Taliyaha ciidanka Dhulka Xoogga dalka ayaa howlgalada socda iyo guulaha laga gaaray ka dhageystay saraakiisha ku sugan furimaha hore, kuwaas oo sheegay in ciidanka xoogga dalka ay  guul wax ku ool ah ka gaareen dagaalka lala galay argagixisada Al-Shabaab,kuwaas oo suurta geliyay in deegaano badan laga saaro.

Generaal Maxamed Tahliil Biixi oo ciidanka iyo saraakiisha ku jira howlgalada kula hadlay furimaha hore ayaa ku ammaanay kaalinta ay ka qaateen badbaadinta shacabka Soomaaliyeed oo muddo dheer la dhibaatoonayay caburinta iyo cago jugleynta maleeshiyada argagixisada Al-Shabaab.

Wuxuu sidoo kale, taliyaha ciidanka dhulka Xoogga dalka kula dardaaray ciidanka in ey u dhimriyaan shacabka ku sugan deegaanada laga xoreeyay cadowga, kuwaas oo muddo dheer sugayay gacan Dowladnimo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip