Deg Deg Ciidanka Xoogga Dalka oo Gobolka Baay ku qabtay horjogayaal sare oo ka tirsan Al-shabaab

0
Monday December 21, 2020 - 22:48:47 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 442
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Deg Deg Ciidanka Xoogga Dalka oo Gobolka Baay ku qabtay horjogayaal sare oo ka tirsan Al-shabaab

    Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa Howlgal Lagu baacsanay haardiga nabadiidka Al-shabaab ka fuliye degaano iyo tuulooyin Hoostaga gobolka Baay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa Howlgal Lagu baacsanay haardiga nabadiidka Al-shabaab ka fuliye degaano iyo tuulooyin Hoostaga gobolka Baay.

Howlgalka waxaa hogaaminayay Taliyaha Qeybta 60Aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Generaal Maxamed Sheikh Cabdullahi Ciirow waxaana laga fuliyey degaanada kala ah  Eel- Dhuun Adeegow Toos wiine Kurteela  iyo Deegaano kale Oo Hoos tagta  Degaanka Goof Gaduud Buurey Ee Gobalka Baay.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Howlgalka kusoo qabtay Maleyshiyaad iyo horjogayaal ka tirsan Maleyshiyada Al-shabaab.

Taliyaha Qeybta 60Aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Janaraal Maxamed Sheikh Cabdullahi ciirow oo la hadlay Idaacada Ciidamada ayaa sheegay in Howlgalka lagu soo qabtay horjogayaal ay ka mid yihiin Horjogihii sirdoonka Al-shabaab ee Gobolka Baay iyo horjogihii Maaliyada Al-shabaab ee gobolka Baay

Janaraal Maxamed Sheikh Cabdullahi waxa uu sheegay in magacyada horjogayaasha howlgalka lagu soo qabtay ay dib shacabka soomaaliya ugu soo bandhigi doonaan  

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip