Cidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM oo howlgallo ka wada duleedka Leego

0
Sunday June 28, 2015 - 22:37:04 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1001
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM oo howlgallo ka wada duleedka Leego

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Ciidamada Xoogga Dalka iyo Kuwa AMISOM ayaa la wareegay Deeganka Leego iyo deegana kale oo ka tirsan Gobalka Shabeelaha Hoose, halkaasi oo laga fara maroojiyay Kooxda Argagixisada ah ee UGUS oo dhawaan weerar ku qaaday goobta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose Cabdiqaadir Maxamed Nuur Siddii oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa tilmaamay in maleeshiyaadka Al-Shabaab laga saaray deegaannada u dhaw Leego, oo ah goob ay dhawaan weeraro argagixiso ah ku soo qaadeen, isla markaana ay ciidamada wada jirka ah si nabad gelyo ah gacanta ugu dhigeen Leego iyo deegaannada kale ee ku xeeran.

"Ilaa iyo duurka ayaan ceersanay, deegaanka Leego iyoo deegaannada kale ee ku xeeran ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ayaa ku sugan, ciidamada waxa ay isku balaariyeen ilaa iyo baadiyaha, shacabka waxaan ugu bishaareyneynaa in caawa ay ciidamadu howlgallada ay sii joogteyn doonaan ee lagu ceersanayo maleeshiyada UGUS” ayuu yiri Cabdiqaadir Siidii.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ka codsaday shacabka ku dhaqan deegaanka Leego iyo hareeraheeda inay la shaqeeyaan ciidamada wadajirka ah, si looga hortago maleeshiyaadka Argagixisada ah ee Al-Shabaab.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip