Ra'iisul wasaare Rooble oo Gaaray Magaalada Garoowe +Sawirro

0
Friday December 11, 2020 - 23:07:22 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 411
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul wasaare Rooble oo Gaaray Magaalada Garoowe +Sawirro

    Ra'iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, mudane, Maxamed Xuseen Rooble, iyo wefdi uu hogaaminayo oo galabta gaaray magaalada Garoowe ee Puntland ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyay madaxda iyo shacabka Puntland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, mudane, Maxamed Xuseen Rooble, iyo wefdi uu hogaaminayo oo galabta gaaray magaalada Garoowe ee Puntland ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyay madaxda iyo shacabka Puntland.

Garoonka diyaaradaha Garoowe, waxaa soo dhoweyn ugu sameeyay madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdulaahi Deni, ku xigeenkiisa iyo mas’uuliyiin kala duwan maamulka Puntland ka tirsan.

U jeedada safarka Ra’iisul wasaaraha ayaa qeyb ka ah dadaalada loogu jiro xoojinta wada shaqeynta dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Ra’iisul wasaare Rooble, ayaa socdaalkan oo kale horey ugu tagay maamulka Koofur Galbeed.

Wefdiga Ra’iisul wasaaraha waxaa kamid ah xubno ka tirsan gollahiisa wasaaradda iyo mas’uuliyiin kale oo dowladda federaalka ka tirsan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip