Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka oo duqeyn ku dilay Maleeshiyaadka ka tirsan Al-shabaab.

0
Thursday December 10, 2020 - 19:27:02 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 402
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka oo duqeyn ku dilay Maleeshiyaadka ka tirsan Al-shabaab.

    Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka oo kaashanaysa Taliska Ciidanka Africom ayaa duqeyn cirka ah u gaystay warshad ay lahaayeen Maleeshiyaadka Alshabaab oo qaraxyada lagu farsameeyo islamrkaana lagu kaydiyo kuna taalay agagaarka Degmada Jilib ee Gobol

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka oo kaashanaysa Taliska Ciidanka Africom ayaa duqeyn cirka ah u gaystay warshad ay lahaayeen Maleeshiyaadka Alshabaab oo qaraxyada lagu farsameeyo islamrkaana lagu kaydiyo kuna taalay agagaarka Degmada Jilib ee Gobolka Jubada dhexe Qiimayn hordhac ah oo la sameeyey ayaa sheegeeysa in duqeynta lagu dilay 10 -tirsan Maleeshiyaadka Alshabaab.

Warshadan ayaa caan ku ahayd soosaairidda qaraxyada ismiidaaminta ee ay Alshabaab ku dhibaateeyaan Ummadda Soomaaliyeed.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Howlgalka Mareeykan ee Africom ayaa had iyo jeer qaada talaabooyin looga taxadarayo waxyeelo soo gaadha shacabka inta lagu gudajiro la dagaalanka Alshabaab, taasoo aad uga duwan falalka argagaxa leh ee Alshabaab si aan kala sooc lahayn ula beegsadaan goobaha dadka rayidka ah ee Soomaaliyeed ku badanyihiin.

 

Hogaanka Alshabaab ayaa si cad u sheegay in ay ka go’antahay duulamadooda aan ku ekeyn Bariga Afrika ee ay waliba beegsanayaan Caalamka oo dhan, siiba Meelaha uu Mareykanka kaga suganyahay dunida.

 

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Africom way ka go’antahay la dagaalanka Alshabaab iyo ururada xagjiriinta ee kale si loo badbaadiyo shacabka aan waxba galabsan eel eh rag, dumar iyo carruur ee ku sugan Soomaaliya iyo waddamada deriska.

 

Duqeyntan ayaa waxay Dowladda Soomaaliyeed ka taageereysaa ka takhalusidda gaboodfalka Alshabaab iyo in mustaqbal ifaya loo helo dadka Soomaliyeed.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip