Dhismooyin Cusub Oo Laga Hirgaliyay Wasaarada Gaashaandhiga Iyo Xarunta Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Oo Xariga Laga Jaray.

0
Wednesday December 09, 2020 - 21:28:22 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 473
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhismooyin Cusub Oo Laga Hirgaliyay Wasaarada Gaashaandhiga Iyo Xarunta Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Oo Xariga Laga Jaray.

    Xafladan xariga looga jarayay dhismahan cusub ayaa ka dhacday hoolka shirarka ee xarunta Taliska Guud ee wasaarada gaashaandhiga waxaa munaasabadda ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Wasiir Ku xigeenka Wasaarada Gaashaandhiga Taliyaha Ci

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xafladan xariga looga jarayay dhismahan cusub ayaa ka dhacday hoolka shirarka ee xarunta Taliska Guud ee wasaarada gaashaandhiga waxaa munaasabadda ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Wasiir Ku xigeenka Wasaarada Gaashaandhiga Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Safiirka Midowga Yurub U Qaabilsan arimaha somaaliya Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Gaashaandhigga Madaxda kala duwan ee hoggaamadda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo marti sharaf kale.

Masuuliyiinta xafladda furitaanka ka qeyb galay ayaa ugu horeyn xariga ka jaray dhismaayaasha laga hirgaliyay xarunta wasaarada gaashaandhiga oo ay ku shaqeyndoonaan shaqaalaha wasaarada iyo hoggaamadda kala duwadan ee taliska ciidanka xoogga dhismayaasha xariga laga jaray ayaa ah Mashruuc loogu talagalay dib uyagleelida hay’adaha difaaca oo uu maalgaliyay midowga yurub.

Ugu horeyn waxaa munaasabadda xafladda xarig jarka hadalka qaatay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Ismaaciil Yuusuf Raage (Odawaa) "oo umahadceliyay Midowga Yurub oo hirgaliyay mashruuca dib u yagleelida hay’adaha difaaca waxa uuna sheegay iney tahay howshan bilow fiican oo horumar wamaagsan leh taliska cidanka xaagana ay ka go’an tahay mar walba sidii horay loogu sii son lahaa”.

 

Sidoo kale waxaa hadalka qaatay Safiirka Midowga Yurub U Qaabilsan arimaha somaaliya Ambasador Niclos Perlanga ayaa sheegay "inuu ku faraxsanyahay mashruucan ay fulineyso midowga yurub ee aan isaga dhex jeedo soomaaliyana waxay u baahantahay ciidan soomaaliyeed oo xoogan isagoon lagu cabirayo soomaalinimo, muhiimadda aan u joognana waxay tahay in la helo ciidan soomaaliyeed oo mideysan oo cadawga ka badbaadiya dalka dadka iyo dowladda”.

Gabagabada munaasabadda waxaa hadalka qaatay wasiirka wasaaradda gaashaandhiga Xasan Xuseen Xaaji "waxa uu umahadceliyay dhamaan ka soo qeybgalayaasha gaar ahaan saraakiisha ka socotay midowga yurub oo aan kala wareegnay xarumihii ay noo dhiseen”.

Dhanka kale waxaa jiray dhismayaal uu si iskaa wax u qabsa ah uu u hirgaliyay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo iyaguna maanta xariga laga jaray ku waa soo ay ka mid ahaayeen maqaayad weyn oo loogu talagalay iney ka cunteeyaan askarta iyo dhismayaal loogu talagay saraakiisha.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip