Madaxweynaha oo shacabka Djibouti ugu hambalyeeyay xuska 38-guurada ka soo wareegtey xornimadooda
Muqdisho, 27 June , 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo ku aaddan sannadguuradii 38-aad ee ka soo wareegtey xornimada dalka Djibouti u direy Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo dhammaan shacabka reer Djibouti meel kasta oo ay joogaan.
‘’Waxaan
walaalaheena reer Djibouti la qeybsaneynaa xuskan qiimaha leh iyo
farxadda sannadguurada 38-aad ee xornimada. Anigoo ku hadlaya magaca
dowladda iyo kan ummadda Soomaaliyeed waxaan idin soo gudbinayaa
hambalyada munaasabaddan, waxaana shacabka reer Djibouti u rajeynayaa
horumar, midnimo iyo barwaaqo inay ku noolaadaan’’, ayuu yiri
Madaxweynaha .
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Djibouti ay ka soo
dhalaashey kaalinteeda walaaltinimo iyo derisnimo si ay u caawiso
Soomaaliya, isagoo intaa ku darey in shacabka Soomaaliyeed aaney taasi
marnaba ilaabi doonin.
‘’Shacabka iyo dowladda Djibouti waxay inoo qabteen wax weyn, dadaal
dheerna waxay u galeen sidii aan uga bixi lahayn colaadihii iyo
xasaradihii waddankeena ka aloosnaa, welina dadaalkaasi way wadaan. Reer
Djibouti si hagar la’aan ah ayay walaalahooda dhibaateysan ee
Soomaaliya uga warqabeen, uguna soo gurmadeen, abaal aan la iloobi karin
ayaan uga haynaa dadaalkaasi iyo geesinimada ay inoo muujiyeen’’.
Ugu dambeyn waxaa uu Madaxweyne Xasan Sheekh u rajeeyay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo shacabka reer Djibouti in xuskan kiisa xiga ay ku gaaraan caafimaad iyo barwaaqo.
-DHAMMAAD-
Madaxweynaha oo shacabka Djibouti ugu hambalyeeyay xuska 38-guurada ka soo wareegtey xornimadooda
.